Garoonka xulka qaranka kubada cagta ee Muqdisho oo dib loo furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, waxa uuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee ciyaaraha dalkeenna oo lagu martiqaaday kulankii dib loogu furayay Garoonka, taas oo muujineysa maamuuska iyo tixgalinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan halyeeyada baalka dahabka ah kaga jira sooyaalka ciyaaraha dalkeenna.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM