Garoonka xulka qaranka kubada cagta ee Muqdisho oo dib loo furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, waxa uuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee ciyaaraha dalkeenna oo lagu martiqaaday kulankii dib loogu furayay Garoonka, taas oo muujineysa maamuuska iyo tixgalinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan halyeeyada baalka dahabka ah kaga jira sooyaalka ciyaaraha dalkeenna.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM