Howlgalka Badweynta Hindiya oo xoreeyay magalada Buulomareer

Image

Marka,Somalia 30.August [GAROWEONLINE] Ciidanka DF iyo AMISOM ayaa gacanta ku dhigay magalada Buulomareer iyo Golwayn oo ka tirsan Gobalka Shabelada hoose ka dib dagaal culus oo dhexmaray kooxda Al-Shabab.

Howlgalkan oo loogu magacdaray Badweynta Hindiya ayaa shalay oo Jimce ahayd ka bilowday Shabeladda hoose kaasoo ku wajahan Magalada Baraawe oo ah halbowlaha kooxda Al-Shabab.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa warbaahinta gudaha u sheegay howlgalkan inuu yahay mid xalay bilowday laguna damacsan yahay in Al Shabab looga saaro Gobalka Shabeelada hoose.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cismaan Gaagaale ayaa dhankiisa warfidiyeenka u sheegay inay dagaalka Al-Shabab la galeen ku dilee 20-dagaal yahay afar kalena ay gacanta ku dhigeen.

Waxa uu sheegay Gaagaale howlgalku inuu sii socon doono inta kooxda laga saarayo guud ahaan gobalka Shabeelada hoose.

Docda kale Al-Shabab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ciidanka huwanta ah kula gashay Buulomareer balse ma aysan cadayn kooxdu in deegaanka laga qabsaday.

Awooda Al-Shabab ayaa ku hartay gobaladda Shabeelada hoose iyo Jubadda dhexe waxaase socda dadaalo lagu damacsan yahay  ururkan in dalka laga sifeeyo.

Magalada Buulo-mareer oo dhanka koonfureed kaga beegan magalada Muqdisho ayaa u jirta 120-km.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM