IRN oo War kasoo saartey Shirka Somalia Oil, Wasiirka Batrool oo hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda International Research Network (IRN) ayaa ka hadashay maanta oo Arbaco ah Ismari-waagga ka taagan shirka looga hadlayo Saliidda, Gaaska iyo Macdanta Soomaaliya.

War Saxaafadeed ay soo saartey IRN ayay ku sheegtay in labo bilood kahor uu Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre ka heshay ogolaansho inay qabato Shirka, oo ka furmi doono Nairobi, Kenya 19-ka March, 2018.

 IRN waxay intaasi ku dartay inay la yaabtay warqad uu usoo diray 5-tii bishan November Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ku ku baaqayo in Shirka la joojiyo.

"Laga soo billaabo July 2017 waxaana xiriiro la sameynay dhamaan dhinacyada ay khuseyso Shirkan ee dalka Soomaaliya, oo inoo ogolaaday inaan qaban-qaabino Madashan looga hadlayo maalgashiga Saliidda, Gaaska iyo Macdanta Soomaaliya, si loo hormariyo dhaqaalaha dalka iyo shaqa abuurka," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka IRN.

Waxa kaloo lagu yiri qoraalka IRN in Warqad ogolaansho ah ay ka heleen Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed, oo u xaqiijiyay in Ra'iisul wasaare Khayre oo furi doono shirka 19-ka March, islamarkaana socon doono ilaa 21-ka March.

Shirkan waxaa lagu casuumay Hay'ado caalami ah, oo danaynaya inay maalgashi ku sameeyaan baarista iyo soo saarista Saliidda, Gaaska iyo Macdanta Soomaaliya, iyadoo taageerayaan IMF iyo World Bank.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan warqad ogolaansho ah oo ku qaban-qaabino Shirkan ka helnay 19-kii September Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya," ayay tiri IRN.

IRN ayaa xustay inay wali wadahadal ay kala leedahay aritan muranka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay rajaynayso in xal  deg deg ah loo helo Ismariwaagga.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed

Dhanka kale, Wasiirka Macdant aiyo Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in shirkan qaban-qaabadiisa aysan waxba ka ogeyn Wasaaradiisa, islamarkaana uusan quseyn Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

"Warqada la sheegay inay kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha waxba kama jiro, waayo wax war ah oo ku saabsan qaban-qaabinta iyo qabashada uma hayaan Khayre iyo Wasaarada Macdanta iyo Batroolka," ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid.

Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay mas'uul ka tahay arrimaha Khayraadka dalka, isagoo intaasi kudaray in Shirka Nairobi uu yahay mid ay wataan dad dano gaar ah leh, oo dhaqaalo ku raadinaya.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in khilaafkan cusub uu galaafan doono xilka Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed kadib markii Ra'isal wasaare Khayre uusan jecleysan sida uu uga jawaabey arintaan. 

Wasiirka ayaa xiriir la leh Fahad Yaasiin, Agaasiimaha Madaxtooyadda Soomaaliya oo gacan weyn ka geestay in loo magacaabo xilka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda FS.

Mudane Axmad oo horey u soo noqdey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dowladii Xasan Shiikh ayaa kamid ahaa xubnihii Fahad Yaasiin kala shaqeeyey doorashadii Madaxweyne Farmaajo kaasoo loo balan qaadey xilkaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM