Jawaari oo dib ugu laabtay howshiisii, shaaciyayna Ajandaha Kulanka Sabtida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dib u billaabey shaqadiisa, kadib markii Xildhibaanno ay sheegeen inuu burburey Mooshinkii isaga laga keenay.

Jawaari ayaa shir gudoomiyay galabta Kulanka guddiga Ganacsiga ee Gollaha Shacabka, isagoo ku dhawaaqay in ajandaha fadhiga sabtida uu yahay derbiga Kenya ay ka dhisayso magaalada Balad-Xaawo, ee gobolka Gedo.

Kulanka gudiiga joogtada ah ayaa yimid kadib markii Xildhibaano gaaraya 120 ay xalay shaaciyeen inuu burburey Mooshinkii kalsoonid kala noqashada ee ka dhanka ah Jawaari, kaasi oo waqtigii loogu tala-galay oo ku beegnayda 28-ka bishan ka gudbay.

Xildhibaanada Mucaaradka ee uu hormuudka u yahay Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ayaa dhawaan sheegay in maalinta sabtida ah ee soo socota 31-da Maarso ay qaban doonaan Kulanka codka loogu qaadayo Mooshinka.

Kala qeybsanaanta Xildhibaanada ayaa sii fogaanaysa, iyadoo Khilaafka Siyaasadeed ee uu taagana gaarey meeshii ugu sareysay, kadib markii uu Guddiga xalinta Khilaafka ee Aqalka Sare u maari-waayay, oo shaaciyay inuu joojiyay waanwaantii uu wadey.

Xubnaha Gudiga Aqalka Sare ayaa ku kala qeybsamey xalinta Khilaafka Gollaha Shacabka, waxaana saddex kamid ah ay ku dhawaaqeen inay iska casileen xubin-nimada. Halkan ka akhri.

Labo ajande oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo Arinta Balad-Xaawo ayaa ku balansan fadhiga sabtida, iyadoo aan la ogeyn labada ajande midka looga doodi doono, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamo gaar ah Xukuumadda geysay xarunta Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM