Jubbaland: Xildhibaan Xasaanadda laga qaaday [Akhri Sababta]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa laga qaadey Xasaanadda, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ka shaqeynayay arrimo lidi ku ah Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa lagu shaaciyay xasaanad ka qaadista Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan [Axmed Taajir].

Gudiga Anshaxa iyo xeer-hoosaadka Jubbaland ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Xildhibaanka uu ku kacay falal been-abuurid, iska-horkeenid iyo khalkhal gelin geyiga Jubbaland.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Xildhibaanka sababta xilka looga qaadey inay la xiriirto mooshin kalsooni-kala noqosho ah oo ka dhan ah Xukuumadda maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe oo uu abaabulyay.

Bishii May, 2017, Baarlamaanka Jubbaland ayaa xasaanadii ka qaadey Maxamed Cali Yuusuf iyo Cabdulqaadir Ibraahim Cali kadib markii lagu eedeeyay inay Kismaayo ku qabteen shirar beeleed lagu kala qeybinayo bulshada Jubbaland.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM