Khayre oo Maamullada ku qancinaya Heshiiska Kalluumeysiga ee Shirkadaha China

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ku qancinaya Maamul Goboleedyada dalka inay aqbalaan heshiis Kalluumeysi, oo Xukuumaddiisa u saxiixday Shirkaddo isu tagey oo laga leeyahay dalka China.

Wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda Federaalka Somalia ayaa ku casuuntay Wasaaradaha Kalluumeysi ee Maamul Goboleedyada Shir ay ugu qabatey Muqdisho, kaasoo uu Ra'iisul Waasaraha ka qeybgalay.

Wasiirka Kalluumeysiga Somalia, Cabdullaahi Bidhaan ayaa December, 2018 qalinka ku duugay heshiis 31 shati kalluumeysi lagu siiyay "China Overseas Fisheries Association" (COFA), kaasoo Xukuumadda ku heshay hal milyan oo dollar.

Qodobada looga hadlay kulanka, ayaa waxaa kamid ah dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqya kalluumaysi oo Casri ah, iyadoo balan-qaadyo loo sameeyay Maamullada, inkastoo aan la ogeyn inay qeyb ku yeelan doonaan lacagta laga qaadey COFA. 

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdu Maxamed Guuleed ayaa goob-joog u ahaa saxiixa Heshiiskan oo ka dhacay Muqdisho iyadoo aan laga talo-gelin, islamarkaana lagu wargelin Maamul Goboleeyada dalka, maadaama uu taabanaya degaanadooda.

Shirkadaha ruqsadaha kallumeysi laga iibiyay ayaa waxaa bartilmaameed u ah Kalluunka qaaliga ka ah caalamka ee TUNA, kaasoo xeebaha Somalia aad uga buuxo, kaasoo shacabka Soomaaliyeed aan looga faa'ideyn.

Waxaa laga digay dhibaatada ka imaan karta heshiiskan, oo ay kamid yihiin burbur ku yimaada Kheyraadka badda Somalia iyo saameynta uu ku yeelan karo kalluumeystada Soomaaliyeed, oo horey uga cabanayay xaalufka Maraakiibta shisheeye.

Go'aankan ayaa kusoo beegmaya xilli Khilaaf xooggan oo ku saabsan qeybsiga Kheyraadka uu u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, oo ku eedeeyay Villa Somalia inaysan kala tashan go'aamada taabanaya masiirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM