Kulankii Qalbi dhagax iyo Fahad Yaasiin: Magdhow, raaligelin iyo codsi?

Image

NAIROBI, Kenya – Kadib sii deyntiisa, si ay isaga dhaqdo weji gabaxa kasoo gaarey dhiibistiisa, dowladda Farmaajo ayaa dedaal badan gelisay sidii ay Muqdisho uga soo dejin lahayd Cabdikariin Qalbi dhagax.

Dedaaladaas oo uu hormuud ka ahaa Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya ayaa natiijo la'aan kusoo dhamaadey markii sarkaalkan ka tirsan ONLF uu ka biyo diidey kuna xiray shuruud.

Wada-haladda ugu badan ee xukuumaddu la gashay Qalbi dhagax ayaa ka dhacay Nairobi, magaalo madaxda waddanka Kenya.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Nabad iyo Nolol ayaa buux-dhaafiyey huteelka uu ka degay Nairobi markii lasii daayey June, 2018-kii.

"Baarlamaan badan iyo wasiiro ay kamid yihiin Cadaaladda, Duulista iyo Fahad Yaasiin rag badan baa imid, waxay is lahaayeen haduu mid la gafo kan kale hala helo," ayuu Qalbi dhagax yiri wareysi uu bixiyey.

Wuxuu ku daray: "Dhamaantooda waxay wadeen hal fariin oo ahayd raali gelin, magdhow iyo in aan Muqdisho tago oo lay qaabilo.

Wararka ayaa sheegaya in lacagta magdhowga ee ay isku qabteen ay u dhaxeyso tobban illaa iyo shan milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah.

Fadhigii ugu xamaasada badnaa wuxuu dhacay subax, markii ay quraac isugu yimaadeen wasiiradda isla markaana uu gedaal ka yimid Fahad Yaasiin oo uu la socdo mid kamid ah wasiiradda xukuumada Khayre.

"Markii aan arkay Fahad Yaasiin waan joojiyey dalabka quraacda, qalbigeyga oo dhan waa is-bedelay, sababtoo ah wax badan oo isaga ku saabsan ayaa laygu sheegay Itoobiya, inkastoo aan horey saaxiibo u ahayn".

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Fahad Yaasiin uu in ka badan saddex jeer tegay Itoobiya, isagoo saraakiil uu kamid yahay Gabre kala hadlay qadiyadda Qalbi dhagax kuna booriyey in ay sii hayaan.

"Markii aan waydiiyey oo aan ku iri maxaad sidaas u yeesheen? Si toos ma uusan iigu jawaabin sheeko kale ayuu galay oo ah 'qalad baa naga dhacay, waan kaa raali gelinaynaa, waan ku xaalaynaa iyo wax aan macno lahayn'.

Cabdikariin ayaa tibaaxay "aniga subaxaas lama quraacan, waxaana u sheegay mowqifkayga aan illaa iyo haatan ku taaganahay oo ah in aan kaliya Muqdisho tagayo marka ay si shaac-baxsan u bixiyaan raali gelin".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Qalbi dhagax ayaa sheegay in uu xusuusiyey Fahad Yaasiin go'aanka "khatarta badan" ee dowladda federaalka ugu aqoonsatay ONLF in ay tahay "urur argagixiso".

"Waxaan ku iri Xamar tegi maayee ordaha soo yiraahda 'waan ka noqonay hadalkaas', maxaa yeelay dhibaatada aniga kaligey wey ka weyn tahay Umaddii Ogaadeeniya oo dhan bey saxiixeen in la dilo," ayuu ku doodey.

Mar uu sharaxaad dheeri ah bixinaayey ayuu xusay "argagixiso ayaa tahay macnaheedu waxay tahay in laguugu dili karo meel walba oo laguugu arko".

Booqashadii Axmed Madoobe

Dhinaca kale, bishii March, 6-deeda, 2018, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa booqday Qalbi dhagax oo xabsiga ku jira. Ujeedka socdaalkiisa wuxuu ahaa xog-wareysi iyo lacag kun Doolar ah oo uu u geeyay.

"Markii uu irada kasoo galay waan qiiroodey, waxaan dareemay in uu buuxiyey kaalinta looga baahnaa dadka wada dhashay marka xaaladaas oo kale lagu jiro," ayuu hadalkiisu ku daray.

Axmed Madoobe ayaa markii uu booqday ku booriyey Qalbi dhagax in uu ku adkeysto mowqifkiisa ahaa in uusan ka degin Jigjiga, arrintaas oo ay cadaadis ku saarayeen mas'uuliyiintii degaanka.

"Wuxuu iigu yiri 'waan hubaa in aad ku adkeysan doontee sidaada ku adkeyso' wax kale ima oran kaliya eraygaas buu i yiri," ayuu tibaaxay. "Sidoo kale, askartii meesha joogtay ayuu igaala dardaarmay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM