Luga-dheere: " Al-shabab waan ka xoreynaynaa Jubooyinka"

Image

February 14, 2015 (GO)- Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay dhowaan bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubooyinka.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa sheegay in bisha soo socota ee March la bilaabayo hawlgal ciidan oo baahsan kaasoo Al-shabaab looga xoreynayo gobolka Jubada Dhexe oo xilligan kooxdaasi si buuxda gacanta ugu hayso iyo weliba deegaanada ay weli ka arimiyaan ee ka tirsan Jubada Hoose.

Luga-dheere ayaa intaas ku daray in hawlgalku yahay mid ay si buuxda isaga kaashanayaan ciidamada Jubaland iyo ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

"ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgalka si wadajir ah u fulin doona...saraakiisha AMISOM waan ka wada hadalnay qorshahaas wayna nala qaateen"ayuu yiri.

Shalay waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland gaarey wafdi uu hoggaaminayey wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Maman Sidiku islamarkaana ay ku jireen saraakiil ka tirsan taliska guud ee ciidanka AMISOM.

Wafdigaasi waxay la kulmeen madaxda Jubaland, waxaana arimihii laga wada hadlay ugu muhiimsanaa xoojinta ammaanka iyo sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay weli ku xooggan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 05:02AM

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM