Maamulada Soomaaliya oo Digniin Culus u Direy Dowlada Federaalka [Warmutiyeed]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warmutiyeed ku taariikhaysan 21 Oct, 2017 oo ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ayey kaga hadleen xaalada dalka ka taagan gaar ahaan qaraxii kooxaha argagixisada ka gaysteen magaalada Muqdisho kaasoo ay tacsi ugu direen eheladii dadkii ku geeryoodey dhacdadaas iyo kuwa ku dhaawacmey.

Qoraalkaan oo warsidaha Garowe online ka xaqiijiyey jiritaankiisa saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa dowlada Federaalka ku eedeeyey in dhacadadii Zoobe u leexisay arimo siyaasdeed halka laga shaqeyn laheyd amniga iyo ladagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Maamulada ayaa sidoo kale ka hadlay faragalinta dowlada dhexe ku hayso arimaha gudaha maamulada iyagoo sheegey in lacagihii misaaniyada dhexe ay ku kabi jirtey qaar ka tirsan maamulada u wareejisay arimo siyaasdeed iyo in ay xilalka kaga qaado qaar ka tirsan madaxda dowlada goboleedyada.

Dowlada goboleedyada ayaa qoraalkaan uga digey in dowlada Federaalka mas'uul ka tahay cawaaqib xumada ka dhalata qorshaha isbadalka siyaasadeed ay rabto iney ku sameyso madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Hadalka maamulada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli uu maanta baaqdey kulan Madaxweynaha Soomaaliya la qaadan lahaa labada Gole ee Barlamanada Federaalka kadib markii talooyin ka yimaadeen gudoonka labada aqal kaasoo ah in buuq Xildhibanada ah kala kulmayo kulankaas.

Maamulada Soomaaliya ayaa Golahaan kaga dhawaaqey magaalada Kismayo kadib markii kulankii ay isugu yimaadeen warmutiyeed ay kasoo saareen ku joojiyeen dhamaan howlihii wada shaqeynta ay la lahayeen dowlada dhexe.

Halkaan ka akhri Warmutiyeedka maamulada Soomaaliya

 

 

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM