Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Cadaado [Qorshaha]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa saaka dib ugu laabtey magaalada Cadaado, kadib markii shacabka degan ay dhaliileen heshiiskii awood-qeybsiga ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Xildhibaanno iyo Wasiirro ayaa safar dhulka ah ku tagey magaalada, isagoo ka yimid dhanka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Waxaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Odayaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha degan Cadaado, isagoo isku dayaya inuu ku qanciyo inay taageeraan heshiiska lagu mideeyay Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Warar Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu reer Cadaado ku qancinayo in magaalada laga dhigo xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug, iyadoo Xukuumaddana loo wareejinayo Caasimadda Dhuusamareeb.

Reer Cadaado ayaa lagu soo waramayaa inay mowqifka Farmaajo ay ku qanceen islamarkaana ay soo dhaweeyeen, maadaama magaalada loo yeelay maqaam gaar ah, islamarkaana Baarlamaanka Galmudug halkaasi ku shaqeynayo.

Farmaajo oo ku gudaha jira safarkiisa gobollada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Galmudug oo soo billowday 7-dii bishan, ayaa la filayaa inuu kusoo gaba-gabeeyo degmada Hobyo, ee gobolka Mudug oo uu soo dhagax dhigayo Dekedda magaaladaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM