Sii deynta dhakhaatiirta Cuba oo "fashilantay daqiiqadihii u dambeeyay"

Image

HAVANA, Cuba – Todobaadkii hore, waxaa mar qura warbaahinta qabsaday warar sheegayay in lasii daayey dhakhaatiirta Cuba ee sanad iyo barka u qafaalan dagaalameyaasha hubeysan ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Hasayeeshee, dowladaha Cuba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa saacado kadib beeniyey in ay xorriyadooda dib u heleen Landy Rodríguez iyo Assel Herrera Correa kuwaasoo la afduubtay April, 2019.

Wakaaladda wararka AP ayaa sarkaal ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya kasoo xigatay in sii deynta ay ka qeyb-qaateen, wallow uu ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeriya.

Xeel-dheereyaasha dhanka ammaanka iyo qaar kamid ah dadweynaha ayaa bilaabay in ay su'aallo iska waydiiyaan wararkaas saacado gudahooda isku buriyay iyo halka ay aakhiritaankii sirta ka qurantay.

EFE, oo ah wakaalad warar oo fadhigeedu yahay waddanka Spain, ayaa sarkaal ka tirsan NISA oo aysan carabaabin kasoo xigatay in howlgalkaas naf-badbaadinta uu guuldareystay "daqiiqadihii ugu dambeeyay".

Sidda laga soo xigtay sheegashadiisa, fashilka ku yimid dedaaladooda waxay ka dambeysay markii xogtooda loo dusiyey war-fidiyeenka, waxaana taasi ay meesha ka saartey in lagu wareejiyo meel ammaan ah.

"Howlgalka xoreynta wuu socdaa. Dhakhaatiirta waxay ku jireen gacan saddexaad ma ahayn Al-Shabaab markii macluumaadka loo dusinayey saxaafada. Taas waxay joojisay wax walba oo socday," ayuu yiri illo wareedka.

Sikastaba ha ahaatee, tan iyo markii war dusinta la wariyey in ay dhacdey, dowlada Soomaaliya iyo NISA ayaa aamusan qadiyadan. Wallow ay beeniyeen sii deynteeda, masoo qaadin maqaamka wadahadalka.

Xaqiiqada aan meesha laga saarin ayaa ah in jahwareerka ka dhashay isku dayga sii deynta koowaad ay hakin karto howlgaladda iyo suurtagalnimada heshiis wada ogol oo ay wada gaaraan dhinacyadda ku gorgortamaya miiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM