Maxay isku hayaan sirdoonka Soomaaliya iyo Haaruun Macruuf?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka [NISA] ayaa waxay ku dhawaaqay in ay "talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadayso" wariyaha wax-baara ee Haaruun Macruuf.

Qoraal habeenimadii xalay lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in saxafiga uu "leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta".

"NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka," ayaa lagu yiri qoraalka oo si weyn looga falceliyey.

Iyaddoo shaacinta ay ahayd mid lama filaan ah, Haaruuf ayaa nan wali jawaab rasmi ah ka bixin eedeynta uga timid hay'adda.

Haaruuf Macruun wuxuu kamid yahay tafaftirayaasha laanta Af Soomaaliga ah ee VOA-da, taas oo fadhigeedu yahay Washington.

Intaas waxaa wehlisa in uu yahay aas-aasaha, soo-saaraha iyo tabiyaha barnaamijka xogaha daahsoon diirada saara ee Galka Baarista.

Sidoo kale, wuxuu kamid yahay qorayaasha Buuga Inside Al-Shabaab, oo uu ku wehliyo Dan Joseph oo VOA-da qeybteeda dunida la hadasha ka tirsan. Labadooda waxay u duun-daloolaan arrimaha argagixisada.

Falcelinta

Siyaasiyiin, wariyeyaal iyo dad shacab ah ayaa durba bilaabay in ay cabiraan oraahdooda ku aadan warka kasoo yeeray sirdoonka Soomaaliya, wallow ay muujiyeen kala aragti duwanaan aad u weyn.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, xoghayaha guud ee ururka isku taga wariyeyaasha Soomaaliya ee FESOJ, ayaa xoojiyey aragtida ku saabsan in lasoo bandhigo eedeymaha loo haysto saxafiga.

"Harun Maruf waa suxufi aqoonyahan ah oo la ixtiraamo oo la shaqeeya idaacadda VOA iyo mid ka mid ah saxafiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida gudaha & dibadda. Waxaan aragnay eedeymo ay saxafiga u haysato NISA oo lasoo dhigay barteeda Twitter-ka. Waxaan u aragnaa in uu yahay ruux aan waxba galabsan illaa la caddeeyo in uu dambiile yahay," ayuu yiri.

Cabdirisaaq Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya haddana ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka, ayaa ku biiray shaqsiyaadka taageerada iyo garab-istaaga u muujiyey Haaruun.

"Xudunta"

Ma cadda "xudunta" eedeymaha ay NISA u jeedisay, balse waxay kusoo aadeysaa xili wariyuhu horey u sameeyay balanqaadyo la xiriira macluumaadyo xasaasi ah oo "caddeymo uu hayo".

Bishii Febraayo 14-keeda, 2020, Harun ayaa shaaciyey in uu helay dukumiintiyo iyo xogo farta ku fiiqaya "shirkado ajnabi ah oo ku lug leh "istaraatiijiyad warbaahineed" oo liddi ku ah wariyeyaasha Soomaaliya.

Qoraal uu ku faafiyey Twitter-ka ayuu ku tibaaxay in uu carabaabi doono shirkadaha, oo uu xusay in lagu maalgeliyo lacag ka timid deeq-bixiyeyaal, si baraha bulshada "loogu weeraro saxafiyiinta"

Barnaamijka Galka Baarista ayaa 31-da bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 wuxuu shaaca ka dhigay in xalqooyinka 2020 ay noqon doonan "kuwa qiimo leh sugitaankooda".

Shaacintiisa ayaa timid maalin kadib markii Amnesty International ay dowladda madaxweyne Farmaajo ku tilmaamtay "xukuumadii ugu xumeyd ee soo marta saxaafada madaxa banaan ee Soomaaliya".

Amnesty, oo u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa intaas ku dartay in dowladda ay wariyeyaasha madaxa banaan isugu dartay caburin, handadaad iyo dil. Dhanka kale, xukuumadda waa ay beenisay eedeyntaas.

NISA waxaa madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, oo muddo dheer ka tirsanaa telefishinka laga leeyahay dalka Qadar ee Al Jazeera. Sidoo kale, waxaa loo aqoonsan yahay "qofka ugu awooda badan dowlada Farmaajo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM