Mo Farax: Markii aan Soomaaliya ka yimid, qof walbaa ii saadaaliyey guul

Image

LONDON, UK – Orodyahanka asal ahaan Soomaaliga ah haysatana dhalashada Ingiriiska ee Maxamed Faarax ayaa sheegay in markii dalkiisa uu uga soo qaxay dagaal sokeeye tageyna Britain uu qof walba u saadaaliyey guul badan.

Laacibkaan afarta jeer hantay tartanka Orodka ee Olympic ayaa gaarey guulo waaweyn tan iyo markii uu bilaabay xirfadaan aadka u dhibka badan.

Guushii u dambeysay ayaa ahayd 4-tii bishaan September, sanadkan 2020, xilligaas oo uu jebiyey lama-dhaafaanka hal saac ee tartanka Diamond League kaasoo lagu qabtay magaala madaxda waddanka Belgium ee Brussels.

Riyada uu haatan leeyahay ayuu ku qeexay in uu ka qeybgalo Orodka 10-kun mitir oo xagaaga dambe ka dhacaya caasimada waddanka Japan ee Tokyo.

"Aad ayaan ugu baahanay, waxaana ahay mid aad u dhiiran," ayuu ku daray, isagoo dib celiyey xusuustiisa maalintii uu tamiyey in uu Orodyahan noqdo.

Gaaritaanka yoolkiisa tobbanka kun ee mitir ayuu ku nuux-nuux saday in uu maalin walba ku fekero isla markaana uu halkaas ka helo dhiiragelin.

"Wax walba waa macquul in la gaaro, waxaana ay u baahan tahay shaqo adag waana gaari karnaa," ayuu tibaaxay. "Waxaan xasuustaa markii aan ahaa caruur oo aan ka yimid Soomaaliya anigoo sideed jir ah kuna hadli karin erayo English ah, hadii qof walba wuxuu igu dhihi karay waxaan ku guuleysan kartaa bilado badan, waxaa i dhiiragelin jirtay boqorada oo iigu yeeri jirtay Mudane Mo Faarax – Waan rumeysan waayey mid kamid ah arrintaas. Waxay muujineysaa taasi in wax walba lagu geeri karo ad-adeeg badan iyo in aanan marna la niyad-jabin".

Mo Faarax ayaa haatan tusaale ay ku daydaan wuxuu u yahay Soomaali badan oo xiiseysa Orodka kuwaasoo qaarkood ku nool gudaha waddanka isla markaana ka qeybgala cayaaraha kala duwan ee dibada iyagoo qarankooda metelaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM