Musharax ay DF wadato oo Baydhabo la tagey Gawaarida aaney Xabadu karin

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Musharax wata gawaaridda aaney Xabadu karin [Bullet-Proof] ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Baydhabo, halkaasoo bisha soo socota ka dhicaysa doorashada madaxtinimada.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya, ahna Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka, C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa gaarey Baydhabo, isagoo halkaasi kaga dhawaaqi doona Mushrxnimdiisa doorashada Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale Baydhabo ku wajahan Xuseen Maxamed Xuseen, oo dhawaan iska-casiley xilka Taliyaha NISA, waxaana la filayaa inuu ku biiro musharaxiinta doorashada Koonfur Galbeed, isagoo la sheegay inuu ka socdo dhanka Villa Somalia.

Diyaarad nooca xamuulka ah oo wadey labo Gaari oo nooca aan xabaddu karin oo loogu tala-galay Labadan musharax ayaa ka degtay Garoonka Baydhabo, iyadoo amaankooda ay sugayaan Askar laga keenay Muqdisho, oo kuwa dowladda katirsan.

Xildhibaan Lafta-Gareen ayaa bishii April 2018 isku soo taagey xilka Afhayeenka Gollaha Shacabka, balse u tanaasuley Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo ku guuleysaty doorashada, iyadoo bil kadib loo magaabey Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Dowladda Federaalka ayaa wado qorshe ay ku doonayso in siyaasi la jaan-qaadi kara siyaasadda Xukuumadda Nabad iyo Nolol kusoo baxo doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo lagu wado inay dhacdo November, 2018.

Lafta-Gareen oo dhanka Hooyada ay qaraabo ka yihiin Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxay dadka gorfeeya siyaasadda Soomaaliya aaminsan inuusan mug iyo miisaan siyaasadeed uusan ku dhex-galayn shacabka Koonfur Galbeed.

Tani ayaa muujinaysa heerka faragelinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku hayso doorashada Maamulka Konfur Galbeed, iyadoo shalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF ay ku baaqday doorasho xor iyo xalaal ah inay ka dhacaan Koonfur Galbeed iyo Puntland waqtigii loogu talo-galay.

Dowladda ayaa ka go'an inay Madaxweyne Shariif Xasan ay ku bedesho shaqsi ku siyaasad ah, madaama hogaamiyan waqtigiisu dhamaadey uu kamid yahay Isbaheysiga maamullada mucaaradka ku noqday Villa Somalia.

Shariif Xasan oo siyaasadda Soomaaliya mudo kusoo jiray, islamarkaana galaan-gal ku leh Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu kamid ah Musharaxiinta tartanka ku jirta, isagoo la rumeysan yahay inuu yahay siyaasi aan si sahlan looga takhalusi karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM