Shariif, Xasan Sheekh iyo madax kale oo baaq kasoo saaray doorashada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir ay yeelaneyso Beesha Mudulood. Kulankaan oo soconaya saddex casho waxaa looga hadlayaa siyaasada iyo ammaanka degaankeeda.

Ajendaha waxaa ku xusan in lagu xoojinayo ololaha dhismaha maamul goboleed loo sameeyo gobolka Banaadir iyo gole ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta.

Madax kala duwan ayaa ka qeybgashay shirka, kuwaas oo ka jeediyey khudbado ay diiradda ku saareen xaaladda waddanka iyo sooyaalka bulshadda.

Cumar Filish, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa soo jeediyey in natiijadda shirka ay ku saleysnaato "masaaxiil guud".

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha HirShabelle, ayaa ku baaqay in la maalgeliyo degaanadda ay degto beesha isla markaana wax la qabto dhibaatooyinka ammaanka ugu horeeyo ee ka jira halkaas.

Cabduqaadir Cosoble, mudane Golaha Shacabka ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda Aqalka Hoose oo sheegay in loosoo jeediyey in uu xilka ra'iisul wasaaraha qabto kadib markii "si is-xilqaan ah lagu ridday" xukuumadii Xasan Cali Khayre, ayaa madaxda dalka uga digay muddo kororsi.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka amniga xukuumadii dhacdey ee Xasan Cali Khayre oo u jawaabay Xildhibaano xalay ku shiray Muqdisho oo sheegay in doorasho qof iyo cod ay qabanayaan una sheegay "in ay riyadda ka kacaan ayaa yiri: "Mar kasta waxaan leenahay doorshadda waa muhiim in ay waqtigeeda ku dhacdo, cod dheer iyo cod gaabanba waan ku sheegeynaa".

Inkastoo uu qiray in dib u dhac farsamo dhici karto, Islow ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu "raaco" wadada madaxdii ka horeysay ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigeeda ku qabtay coddeynta.

Iyadoo xeerkaan go'aanka laga soo saarey la isku khilaafay, Cali Maxamed Geedi, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa ka codsaday madaxweyne Farmaajo in uu saxiixo 13 xubnood ee Aqalka Sarre looga ansixiyey gobolka Banaadir.

"Waxaan aaminsanahay in doorasho dhacdo, in ay waqtigeeda ku dhacdo, in si qasab ah aan lagu jebin sharciga, isbedelka sidii uu ku imaan jiray baa lagu raadin karaa," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Talaabo daqiiqado hakad gelisay hadal-jeedinta, nooca ay noqoneyso doorashadda Soomaaliya ee 2020-21 ayaa hareeyay shirka; mucaaradka iyo muxaafidka ayaa hadalo si furan hawada isugu mariyey, taas oo banaanka soo dhigtay kala aragti-duwanaanta ka qeybgalayaasha, waxaana arrintaas ay su'aal gelineysaa natiijadda kasoo bixi karta shirka.

Salaad Cali Jeelle, lataliyaha arrimaha siyaasadda Farmaajo, ayaa fowdadaas dhaliyey markii uu codsaday cod-baahiyaha la siiyo, wallow kolkii dambe loo ogolaadey uuna difaacay dooda Villa Soomaaliya ee doorasho qof iyo cod.

Cali Mahdi Maxamed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka sheekeeyay taariikhda dowladnimada ku leedahay beesha, ayaa tibaaxay in hadafka shirka uu yahay dib u heshiisiinta guud ahaan beelaha Soomaaliyeed.

Xilli uu Farmaajo xusuusiyey in doorashada waqtigeeda ku qabto isla markaana dalka uusan ku hogaamin 'dagaal sokeeye,' Mahdi ayaa xusay: "Hadda siyaasi maahi, laakiin waa ahaa, maskiin gurigiisa joogay baan ahay. Laakiin hal shey ayaa jira oo hadii aan waayo aan dadka ku dilaayo, waxaan rabaa dowlad caadil ah, hadii aan waayo qorigeygii cadaa wali xabadda kama dhamaan".

Shariif Sheekh Maxamed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in laga heshiiyo nooca coddeynta soo aadan, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu doorashadda xilligeeda ku qabto. "Madaxweynow lacagta adigaa laguugu tuhmayaa bisinka u qabo," ayuu raaciyey.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya oo hoosta ka xariiqay "in aysan soconeyn in aan joogo jeclaayee," [muddo kororsi], ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay ka gaabisay u diyaarinta dalka ee doorasho qof iyo cod ah, kana digay muddo kororsi; wuxuu cod dheer kusoo jeediyey in laga miradhaliyo natiijadda shirka Dhuusamareeb iyo sarreynta sharciga.

Ugu dambeyntii, hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo carabka ku dhuftay in mudadii uu xilka hayey uu bixiyey wixii karaankiisu ahaa, ayaa wuxuu soo jeediyey in laga shaqeeyo helitaanka meteladda gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM