Qaabka DF ugu lug-leedahay kororka awooda Al-Shabaab oo la sharaxay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihi hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hab fogaan arag ah uga qayb galay Dood Celmiyeed uu soo qaban qaabiyay machadka ACTRI ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka.

Dooddan oo cinwaankeedu ahaa Xaaladda Amniga ee Soomaaliya ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif si' faahfaahsan uga hadlay sababaha looga adkaan waayay kooxda Al-Shabaab oo 14 sano jirsatay, welina heysata dhul Soomaaliyeed oo ku yaal Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka talo bixiyay habka Al-Shabaab looga adkaan karo ayaa caddeeyey in loo baahanyahay ka go'naan iyo rabitaan dhab ah in laga helo hoggaanka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey inuu aaminsan yahay in laga gaabiyay dagaalka ciribtirka Al-Shabaab.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay weli xooggantahay marka loo fiiriyo dakhliga ka soo galo magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay canshuur ka qaaddo konteennar kasta oo soo dega, wuxuuna baaddaas ku tilmaamay mid kamid ah waxyaabaha keenay sii jiritaanka Al-Shabaab.

"Waa markii ugu horreysay taariikhda oo ay Al-Shabaab canshuur ka qaaddo dekedda Muqdisho, mana jirto cid dhaqaaq maaliyadeed sameyn karto iyadoona meel la saarin lacagta badda ah ee Al-Shabaab" ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Wuxuu intaa ku sii daray "Waxay na tusineysaa in awoodda dhaqaale u saamaxeyso inay geystaan weerarro laayaan ah oo galaaftay nolosha dad badan, waxaana ka xusi karaa Xasuuqii 14-kii October 2017, oo aan ku weynay 600 oo rayid ah ka badan".

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Soomaaliya ee haatan jirto masuul ka tahay in Al-Shabaab sidaa u xoogeysato, wuxuuna caddeeyey in iyadoo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa oo ka dhaqaale yareyd tan haatan jirta, ka Ciidan yareyd, kana caqabado badneyd ay ku guuleysatay inay wiiqdo Al-Shabaab oo ka saarto Muqdisho iyo gobollada Dalka qaarkood.

"In Xilligaan laga adkaan waayo Al-Shabaab waxay na tusineysaa in la dagaallanka kooxdan aan la siin muhiimaddi uu lahaa" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa ka talo bixiyay sida looga adkaan karo Argagaxisada Soomaaliya, wuxuuna ku soo koobay "Si' looga akdaado Al-Shabaab waa inaan diiradda la saarin oo kaliya in lagu qaado dagaal toos ah oo ciidan laakiin waa in qorshaha lagu darsado in loola dagaalo qaab fikir ah, oo dadka la qalday ee kooxda kamid ah loo sharraxo fasirka saxda ah ee Diinta Islaamka, loona fahamsiiyo hab caqli gal ah".

Madaxweynihi hore Sheekh Shariif ayaa geba gabadii sheegay in dadka Soomaaliyeed yihiin dad Nabadda jecel oo Dowlad ku nool ah laakiin wuxuu sheegay inay u baahan yihiin Dowlad ka dhabeysa la dagaallanka argagaxisada oo dadkooda ka xoreysa cadowga, wuxuuna adkeeyey in laga adkaan karo kooxda Al-Shabaab haddii Daacad laga yahay la dagaallankeeda.

Madasha Xisbiyadda Qaran

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM