Ra'isal wasaare Khayre oo ka aamusan weerarkii Naasa Hablood2

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kadib markii maalintii shaley dib ugu soo noqdey magaalada Muqdisho weerar lala beegsadey Hotel Naasahablood2 ee magalada Muqdisho kaasoo dad badan ku dhinteen ayaa weli wax hadal ah kasoo saarin dhacdadaan.

Mudane Khayre iyo Wasiirkiisa amniga oo safar ugu ambabaxey maalmo kadib baroordiiqdii loo sameynayey dadkii ku dhamaadey qaraxa Zoobe ayaan weli fariin ku aadan weerarka lala beegsadey Hotel Naasahablood2 iyadoo labada barood ee uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter aysan ka muuqan hadalo la xiriira weerarka kooxaha argagiixsada la beegsadeen dad shacab ah iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Khayre oo lagu yaqaaney fariimo deg deg ah markii falalka noocaan oo kale dhacaan ayaa dad badan waxay maalmihii lasoo dhaafey isweydiinayeen sababta keentey in iyadoo laga sugayey xukuumadiisa iney adkeeyaan amniga magaalo islamarkaana warbixin kasoo saaraan baaristii lagu sameeyey qaraxa Zoobe ayaa safar ku aadey dalka Turkiga isagoo horey u sii kaxeystey Wasiirkiisa amniga.

Safarka Turkiga oo la sheegey in horey loo qorsheeyey ayaa Ra'isal wasaare Khayre ka ambabaxey garoonka diyaaradaha Muqdisho 25 Oc, 2017 taasoo aheyd isla-maalintii Madaxweyne Farmaajo dalka dib ugu soo noqdey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar maalmo kadib baroordiiqdii loo sameynayey dadkii ku dhintey qaraxa Zoobe isagoo booqasho ku soo kala baxshey wadamada ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeenkii xaley fariin uu ku baahiyey bartiisa Internet-ka ku leeyahay isagoo tacsi u direy eheladii dadka waxyeeladu kasoo gaartey qaraxaan.

Madaxda Soomaalida iyo hay'adaheeda amniga ayaan wax falcelis ah ka sameyn qaraxyada soo kordhey ee lala beegsanayo magaalada Muqdisho iyadoo wararku sheegayaan in kooxda Al- shabaab qorsheynayaan weeraro kale ay damacsan yihiin iney la beegsadaan dadka rayidka ah iyo saraakiisha dowlada.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM