Rooble oo "ka leexiyay" doorashadda dariiqa hufan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Rooble inuu ka weecdey jidkii toosanaa ee doorasho hufan oo dalka ka dhacdo.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho, ayuu Daahir Geelle oo ah afhayeenka Musharixiinta ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha isbedel uu ku yimid balan-qaadkiisii hore inuu qabanayo doorasho daahfuran.

Shirka oo ay ku sugnaayeen Sheekh Shariif, C/raxmaan Cabdishakuur iyo Musharixiin kale oo miisan culus, ayaa intii uu socday looga hadlay qodobo ku qotomo doorashada, gaar ahaan boobka kuraasta Aqalka Hoose.

Daahir Geelle wuxuu si kukul u eedeeyay Rooble, maadaama uu mas'uul ka yahay doorashadda dalka, lagana filayay inuu wax umada ku qanaci karta oo qabto.

Musharixiinta waxay hoosta ka xariiqeen inay sameyn doonaan dadaal kasta oo looga hortagayo boobka ku socda kuraasta Baarlamaanka, taasoo keenaysa inuu dalka qalalaase galo.

Rooble ayaa waxaa horey u eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Ra'iisul Wasaaraha isbedelay kadib booqashadii Qatar uu ku tagey bishii October ee sanadkan xili Farmaajo khilaaf kala dhaxeeyay.

Wuxuu Rooble wajahayaa eedeymo culus oo uga imaanaya Musharixiinta mucaaradka, oo aan ku qanacsanayn hanaanka ay ku socoto doorashadda dalka, oo sidii la rabay u dhacaynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM