Ruushka oo sababeeyay in uu ka aamusay qaraar liddi ku ah DFS

Image

MOSCOW, Russia – Dowladda Ruushka ayaa sharaxaad dheeraad ah waxay ka bixisay sababta ay uga gaabsatay qaraar liddi ku ah waddanka Soomaaliya.

Qaraarkaas oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u coddeeyay ayaa waxaa soo diyaarisay Boqortooyadda Ingiriiska.

Iyadda oo uu taageero badan helay, qaraarka ayaa wuxuu cusbooneysiinayaa xayiraadda hubka iyo ka ganacsiga dhuxusha ee Soomaaliya.

Ruushka, Shiinaha iyo Equatorial Guinea ayaa ahaa dalalka xubinta ka ah golaha ee ka aamusay qaraarka. Wadar ahaan tiradda golaha waa 15.

UK ayaa ku doodeysay in Al-Shabaab ay wali khatar ku ah amniga gobolka isla markaana ay inta badan adeegsato walxo qarxa.

Kordhinta xayiraadda oo dhamaaneysa 15-ka November ee sanadka 2020-ka ayaa kusoo aadeysa markii UN-ka shaaciyey in Shabaab sameysato qaraxyadda.

Hase ahaatee, Dmitry Polyansky, ku xigeenka ergayga Ruushka ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, ayaa coksaday "arrin loo qaateen ah".

"Qaraarka wuxuu culeys tan weyn saarayaa qaababka loo marayo mawduucyadda la xiriira arrimaha bini'aadanimadda," ayuu u sheegay golaha.

Ruushka ayaa taageero weyn wuxuu u muujiyey cunaqabateyntii hubka ee laga qaadey Eritrea oo liiska kula jirtay Soomaaliya.

Abuukar Baale, danjiraha Soomaaliya ee UN-ka, oo ka falceliyey waqti kordhinta, ayaa dalalka taageeray xayiraadda ku qeexay "kuwa gaboobay oo daciif ah".

Xukuumaddaha Moscow iyo Beijing ayaa xulafo dhow waxay la yihiin dowladda Farmaajo oo mudada xileedkeeda kaga harsan yahay sanad iyo bilooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM