Sanbaloolshe oo ka jawaabay hadalkii Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa si furan kaga hadlay kiiska Qalbi dhagax loogu dhiibay dowladda Itoobiya.

Ka hor inta aan laga soo qaban Gaalkacyo isla markaana laga dejin Muqdisho, Qalbi dhagax oo la wareejiyay bishii August, 2017 ayaa xorriyadiisa dib u helay bishii June 2018-kii.

Qalbi dhagax ayaa sheegay in uu saddex maalmood ku qaatay xabsiga Godka Jilacow ee caasimadda kahor inta aan loo duulin Ethiopia.

Wareysi uu dhowaan bixiyey ayuu ku sheegay in gaariga looga saarey jeelka ay saarnaayeen Sanbaloolshe iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho oo lagu magacaabo Jamaaludiin.

Sanbaloolshe oo ka jawaabay eedeynta ku saabsan in uu saarnaa gaarigii Qalbi dhagax looga soo saarey xabsiga Godka Jilacow ayaa ku adkeystay in uusan sameynin wax qalad ah.

"Dad ayaa leh waa mu'aamaraad oo waxaas [isku dabaridaaya]. Wax mu'aamaraad la yiraahdo oo aniga aan sameynaayey Walaahi Bilaahi oo Talaahi in aysan jirin," ayuu yiri.

Wareysi uu siiyey Dalsan Tv kaasoo qeyb kamid ah la baahiyey ayuu intaas ku daray: "Waxaan shil ayuu ahaa, sidda ugu fiican in aan u xaliyey ayaana aaminsanahay".

Maalin kahor dhiibista

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa xusay in isaga oo ay wehliyaan laba Senator kale ay la kulmeen Farmaajo iyo Sanbaloolshe maalin kahor dhiibista Qalbi dhagax.

Afhayeenka Senate-ka ayaa shaaciyey in shirkaas loogu soo bandhigay in Qalbi dhagax uu isagu doonayey in loo dhiibo Itoobiya, dowladda Soomaaliyana ay u fududeyso.

Markii la waydiiyey xaqiiqo-ahaanshiyaha warkaas, Sanbaloolshe ayaa tibaaxay "waxbo ku dari waayo sidda uu Cabdi Xaashi sheegay, waa sax".

Dhanka kale, Qalbi dhagax oo mar sii horeysay ka jawaabay erayaddaas ayaa ku tilmaamay "been abuur iyo hadalada ay sheegaan dadka dambiyadda galay".

Dalab cafis ah

Isagoo ka jawaabay su'aal kale oo ku saabsan in uu ka qoomameynayo dhiibista Qalbi dhagax, Sanbaloolshe ayaa xusay "aniga kuma lihi waa lay qasbay iyo kuma jirin, waan qirsanahay".

"Eeda aniga kali ma lihi waan kamid ah waana qiranahay in layga cafiyo ayaana rabaa," ayuu cod dheer ku qeexay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxii hore ee NISA ayaa shaaca ka qaadey in uu madaxda haatan haysa talada dalka uu kula taliyey in ay liiska argagixisada ka saaraan ONLF.

Xukuumadda ayaa kadib dhiibistii Qalbi dhagax sheegtay in uu maleegay weeraro ka dhaca dalka isla markaana Jabhadiisa ay tahay "urur argagixiso," wallow eedeyntaas la beeniyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM