Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo nolasha lagu qabtay [Magacyo]

Image

MARKA - Taliska ciidanka xooga Soomaaliya ayaa wuxuu sheegtay in Khamiistii howlgal uu ka sameeyay gudaha magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo tiradoodu gaareyso 27.

Korneel Xuseen Cabdi oo ka tirsan saraakiisha ciidanka gobolka ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in xubnahaan ay isku qarinayeen xaafad ka tirsan Marka, islamarkaana howlgal balaaran oo ay ciidamada ka sameeyeen magaalada ay kusoo qabteen.

Waxuu tibaaxay Korneelka in xubnaha ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka ay ku jiraan Labo sarkaal kuwaasoo uu saxaafadda usoo bandhigay magacyadooda iyo muuqaaladooda, isagoo carabka ku dhuftay inay u gudbin doonaan Nabad Sugida.

Labada nin ee dagaalka lagu soo qabtay ayaa waxa lagu kala magacaabaa C/casiis Maxamed Caydaruus iyo Maxamed Cabdi Maxamed, kuwaasoo kasoo muuqday warbaahina ku hadasha afka dowladda codsaday in la cafiyo iyo in lasii daayo.

"Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafado ka tirsan Marka ayaa soo qabtay 100 dhalinyaro ah, oo 27 kamid ah ay yihiin Al-Shabaab Kuwaasoo dagaal la galay ciidanka xooga, kadibna nolasha lagu soo qabtay," ayuu yiri Korneel Xuseen.

Magaaladda Marka ee xarunta Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM, tan iyo markii ay kala wareegeen Al-Shabaab todobaadkii hore.

Qabashada xubnahaan ayaa imaaneysa xili Talaadadii weerar ay kusoo qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab fariisimo ay ciidamada xooga ku leeyihiin gudaha magaaladda Marka, taasoo dhalisay dhaawac Lix Askar iyo dhimashada Afar Shabaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM