Shariif Xasan oo ka dhoofay Baydhabo, doorashada KG u gacan geliyay DF

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan ayaa maanta oo Khamiis ah ayaa kulankii ugu dambeeyay oo macasalaameys ah la yeeshay Gollaha Wasiiradda, kahor inta uusan ka dhoofin Baydhabo.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Sii haya xilka Madaxwaynaha, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaaa lagu sagootiyay Madaxweynihii mudada afarta sano soo maamulayay Koonfur Galbeed, Shariif Xasan.

Shariif Xasan oo xilka iska-casilay Shalay kadib markii uu kula heshiiyay dowladda Federaalka inay maamusho doorashada Koonfur Galbeed, ayaa ka jeediyay khudbad kooban oo uu ugu baaqayo Wasiiradda inay diirada saaraan danta dalka iyo dadka.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ku dhawaaqin is-casilaadiisa u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye warqad uu ugu fasaxay inuu maamullo doorashada 17-ka bishn. [Halkan ka akhri warka].

Sii haayaha xilka Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulka Mr Maye ayaa balanqaaday in aysan dhinac uga leexan doonin danta shacabka Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan oo shalay oo Arbaco ahayd iska casilay jagadda ugu sareysa maamul goboleedkan ayaa wuxuu sababta ku sheegay kadib culeys siyaasadeed oo dhanka doorashooyinka ah, kana soo food-saaray dowlada Federaalka.

Shariifka ayaa ahaa hogaamiyaha Koonfur Galbeed tan iyo bishii November ee sanadkii 2014-kii xili mudadii uu xafiiska joogay uu saameyn ku dhex-lahaa siyaasada arrimaha gudaha iyo dibadda ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyey Buuraleyda Calmiskaad ee Puntland

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkan weeraro ka fulisay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-10-2025

  • 01:42PM

Jubaland oo Mahadnaq U Jeedisay Kenya Doorkeeda Dhex-dhexaadinta Wadahadallada Dowladda Federaalka

Falanqeeyeyaasha siyaasadeed ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay astaan u noqon karto kalsooni darro taagan.

  • Soomaliya

    07-10-2025

  • 05:30AM