Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmaya London

Image

LONDON, UK - Hay'ad caalami ah ayaa ugu baaqday Deeq-bixiyaasha Isniintii shalay inay kordhiyaan gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya si looga hortago macluul markale ku dhufato dalka geeska Africa ku yaalla.

Hay'adda Samafalka NRC oo laga leeyahay dalka Norway ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in oo hadda ay ku nool yihiin Soomaaliya 2.7 Million oo qof ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah in la gaarsiiyo.

Baaqda Hay'adda NRC ayaa kusoo beegmaya kahor inta uusna furmin Shir caalami ah oo ku saabsan xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya kaasi oo maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada London, ee xarunta dalka Ingiriiska.

"Beesha caalamka waxay caawisay sanadkii tagey kumanaan qof oo ku nool Soomaaliya waxayna kahor tageen macluul ka dhici lahayd, laakiin waxaa jira hoos u dhac howlaha gargaarka ee laga waday Soomaaliya taasi oo keeni karto in macluul markale ka dilaacdo dalka," ayaa lagu sheegay War saxaafadeedka NRC.

NRC ayaa sheegtay in nus Milyan oo ruux inay ku dhaw yihiin in gaajo iyo haraad ugu geeriyoodaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna ku baaqday in si dhaqso ah loo soo gaarsiyo dadkaasi kaalmooyin bini'aadanimo oo deg deg ah.

Shirka caalamiga ah ee London ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya iyo sidii indhaha beesha caalamka dhibatada jirta, islamarkaana loo xali lahaa xal looga hortagi karo macluul kale oo ka dhacdo Soomaaliya 2018-ka.

Kulanka London waxaa la qeybgalaya hogaamiyaal Siyaasadeed iyo kuwa hay'adaha samafalka caalamiga ah iyagoo aruurin doono deeqo dhaqaale oo gaaraya $1.5 Billion oo lagu caawinayo shacabka ku dhibaataysan Soomaaliya oo lagu qiyaasay 5.4 Million oo qof.

NRC ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 300,000 oo caruur da'dooda ka yar tahay 5 sano ay soo wajahday nafo darro, kuwaasi oo 48,000 kamid ah ay xaaladooda aad u liidato, islamarkaana qarka u saaran geeri.

Dad lagu qiyaasay 1.1 Million oo qof ayaa ka cararay colaadda iyo abaaraha dalka Soomaaliya sanadkii tagey , iyadoo hal milyan oo kale ay gudaha ku bakaraceen kuwaasi oo intooda badan gaaray xeryaha barakaciyaasha duleedka Muqdisho.

Shirka London iyo Baaqa NRC ayaa kusoo beegmaya xilli ay gurey Webiga Shabeelle oo ay ku tiirsanaayeen dadka iyo duunyo badan, iyadoo arintaasi biyo la'aanta webiga loo sababeeyay biyo xireenada ay sameysay dowladda Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM