Soomaaliya: Askar lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa dilal kala duwan waxay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda wadanka Soomaaliya.

Dilalkan ayaa waxaa loo geestay labo Askari oo ka kala tirsanaa ciidamada Booliska iyo Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amaanka dalka.

Dilka koowaad degmada Waaberi, halkaasi oo saddex nin oo hubaysan ay ku toogteen Askari Boolis ah oo magaciis alagu sheegay Maxamed Xasan, kaasi oo jidka loo galay isagoo kusii jeeda Hoygiisa.

Sidoo kale, Koox Bastoolado ku hubaysan ayaa xaafadda Black Sea ku dilay Askari Militariga kamid ahaa, waxaana dilkiisa geestay labo nin oo bastoolado ku hubaysan oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Ciidamada NISA ayaa gaarey labada goobood ee dilalka ay ka dhaceen, waxayna sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM