Soomaaliya oo ka feejigan duufaano, qaylo dhaanna u dirtay caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Soomaaliya oo ka digtay roobab dabaylo wata ayaa waxay ugu baaqday hay'addaha samafalka ee caalamka in gacan ka geystaan caawinta dadka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu xusay in roobabka ay sababi karaan daadad, waxayna shacabka ku waanisay feejignaan dheeraad ah.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in heegan buuxa la geliyay dhamaan hay'addaha dowliga ah ee ku shaqadda leh ayna ka jawaabi doonan codsi walba oo kaga yimaada muwaadiniinta.

"...24-kii saac ee lasoo dhaafay tuulooyin gaaraya 25 waxaa fatahaad ku sameeyay Webiga Shabeelle oo biyo keenay kadib roobab da'ay," ayaa lagu yiri qoraalka oo GO uu helay.

Webiga Shabelle oo dhowaan ku fatahay magaaladda Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa galaaftay nolosha tobanaan iyo burbur maaliyadeed oo wali dadka qaarkii aysan kasoo kaban.

Saynisyahanada ka faalooda arrimaha saadaasha hawada ayaa odorasay in meelo ay kamid tahay Soomaaliya ee bariga Afrika dhaca ay kusoo fool leeyihii duufaano xoogan.

Khuburadda ayaa ku booriyey dhamaan dadka ku nool degaanadda ku teedsan xeebaha ay ka fogaadaan guryaha isla markaana kalluumeysatadda kasoo baxaan baddaha.

Isbedelka cilimadda aduunka [Climate change] ayaa waxaa loo aaneynayaa roobabka iyo fatahaadaha oo sanadihii u dambeeyay kusoo noqnoqdey qaar kamid ah wadamada Geeska Afrika.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaarada

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM