Taliye ku xigeenkii NISA oo xog badan kashifay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdalla Cabdalla Maxamed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa wareysi uu siiyay VOA-da waxuu uga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso xilka qaadistiisa.

Horaantii bishaan, ayey ahayd markii uu xilka ka qaaday Cabdalla ka hor inta uusan shaqo joojin uusan ku samaynin Agaasimaha NISA, isaga oo sheegay inaanan lagu soo war-gelin xilka qaadistiisa, wuxuuna tilmaamay inuu kaliya ka maqlay warbaahinta.

"Ma jirto cid igu soo war-gelisay xilka qaadisteyda, mana arkin war fariin ah oo madaxda igaga timid, kaliya warbaahinta iyo baraha bulshadda ayaan ka arkay, taasoo ah wax aanan ku habooneen nidaamka dowliga ah," ayuu yiri Cabdalla.

Xilka qaadista Cabdalla ayaa timid xili uu jiray guux ku aadan in xubnaha NISA ka tirsan qaarkood ay cilaaqaad hoose ay la leeyihiin taasoo uu daboolka ka qaaday Taliye ku xigeenii hore ee NISA inay tahay wax jira, inkasta oo uusan fahfaahin ka bixin.

NISA oo ah hay'adda kaliya ee arrimaha sirdoonka ee dalka ka jirta ayaa ujeedka loo sameeyay waxay tahay la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisadda, laakiin Cabdalla ayaa wuxuu afka ku balaariyay in madaxda hada jirta ay ka weeciyeen dhabahaasi.

"Ujeedadii loo aas-aasay Hay'adda oo ahayd la dagaalanka Argagaxisadda, ayaa laga weeciyay waxaana loo bedalay in lagu xiro xubnaha dowladda ka tirsan, kuwa kasoo horjeeda iyo in la tuhmo mas'uuliyiinta hay'adda oo noqday kuwa la eryo iyo kuwa dalka isaga baxay," ayuu hadalkiisa ku daray masuulka.

- Isbedalka amaanka Muqdisho -

Warsidaha Garowe Online ayaa horey ubaahiyay in madaxda ugu sareysa dalka ay isku raaceen in amaanka guud ahaan ee caasimadda Muqdisho lagu wareejiyo ciidamo Boolis ah, taasoo la dhaqan-geliyay, iyadda oo meesha laga saarey ciidamaddiisa Xasilinta oo NISA hoos-tagayey.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo Lixdii sano ee lasoo dhaafay xilka ku fadhiyay ayaa wuxuu tibaaxay in talaabadda ay tahay mid lagu deg degay, oo loo baahnaa in laga fiirsado, waqti badana la geliyo.

"Inkasta oo sharciga ciidanka oo yahay mid dhigaya in la bedali karo ciidanka, hadana waxaa fiicneed in si wayn looga fiirsado, maxaa yeelay waxaa isbedalaya Mushaarka, howlgala iyo wax walba oo ciidanka ku saabsan oo ay hadda muuqato," ayuu ku daray.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Taliye ku xigeenka NISA uu ka dhigay Fahad Yaasiin, oo ahaa Agaasimahii Madaxtooyadda, halka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo kamid ahaa Taliye ku xigeenadii Hay'adda loo magacaabay Lataliye sarre oo xafiiska Afhayeenka Gollaha Shacabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM