War cusub oo kusoo kordhay Khilaafka siyaasadeed ee Galmudug

Image

CADAADO, Soomaaliya - Maamulka uu khilaafka hareeray ee Galmudug ayaa haatan u muuqda mid kusii jeeda jihadii burburka, kadib markii labo dowladood oo iska soo horjeeda yeeshay kuwaasii ku kala shaqeynaya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Garabka Madaxwayne Xaaf oo uu wehliyo Madaxa xukuumada, Sheekh Shaakir ayaa ku sugan Dhuusamareeb, halka garabka kale uu saldhigtay xarunta Baarlamaanka ee Cadaado kaasi oo ay hogaaminayaan Carabey iyo Cali Gacal Casir.

Is-mari-waaga ayaa sii xoogeystay bishii lasoo dhaafay kadib markii Xildhibaanada ku kala sugan labada magaalo ay xilalkii ka qaadeen dhamaan madaxdii Galmudug, sida Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Khilaafka ayaa billowday kadib midowgii Galmudug iyo Ahlu Sunna oo heshiis ku saxiixday Jabuuti Dec. 2017, kaasoo fulintiisa khilaaf ka dhashay, iyadoo madaxda isku khilaafeen mudo xileedka Xaaf iyo isku dhafka labada Baarlamaan.

Madaxwayne Xaaf, oo xilka loo doortey kadib is-casilaadii Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa doonaya in waqtiga uu xafiiska joogayo looga billaabo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna Dec. 2017.

Sida uu xogta ku helay warsidaha Garowe Online, Xilldhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku dayaya inay isa soo hor-fariistaan Xaaf iyo garabka kasoo horjeeda, lana soo afjaro muranka siyaasadeed socda.

Shirar ayey ku balameen in loo qabanayo madaxdani si loosoo gabagabeeyo khilaafka, laakiin way baaqdeen xili midka ugu dambeeya oo ay Odayaasha dhaqanka qayb ka yihiin lagu madal-san yahay inuu qabsoomo 7-da bishaan November ee 2018.

Villa Somalia oo khilaaf kala dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada dalka, marka laga reebo HirShabeelle, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay kaalin ku leedahay qalaa-qalka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, iyadoo taageeraysa garabka Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM