Wasiir Odawaa: DF iyo Somaliland uma baahna cid dhex dhexaadisa

Image

March 28, 2015 (GO)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa" ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dib mar kale loo ambaqaado wada xaajoodkii u socdey Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Odawaa oo la hadlay warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegay inaan loo baahneyn in Soomaalida cidi dhex gasho balse ay muhiim tahay in iyagu si madax bannaan u wada hadlaan khilaafka jirana xal loo helo.

"inaan wada hadalno ayaanba diyaar u nahaye dadka kale maxaa looga baahan yahay?  Su’aashaas waxay u baahan tahay jawaab. Wadahadalka marka aad diiddo ayaa waxaa la yiraahdaa qofka gogosha halla soo galiyo… aan wada hadalno, waan ku heshiin karnaa waxa naga dhaxeeyo" ayuu yiri.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya toban maalmood kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu sheegay in aysan mar dambe hor fariisan doonin ergada Dowladda Federaalka haddii aan la helin cid dhex dhexaadisa.

Bishii hore ee February waxaa fashilmey shir ka dhici lahaa magaalada  Istanbul ee dalka Turkiga kaasoo ergooyin Soomaaliya iyo Somaliland kala metelayaa isku soo hor fariisan lahaayeen.

Shirka ayaa qabsoomi kari waayey kaddib markii Somaliland  shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku dooddey- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen.

December 2014, waxaa magaalo madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti ku kulmey Madaxweyneyaasha Dowladda Federeraalka iyo Somaliland; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Siilaanyo. Heshiis dhowr iyo toban qodob ka koobnaa ayey labada dhinac wada saxiixdeen xilligaas, waxaan ku jirtey in lasii dardargeliyo wadahadallada.

Mas'uuliyadda qabsoomid la'aanta shirkii Istanbul, labada dhinac midba midka kale ayuu ku eedeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Helitaanka Badda Cas Waa U Muhiim Itoobiya

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya in si furan looga doodo arrintan halkii laga aamusnaan lahaa ama laga indho tiri lahaa.

  • Soomaliya

    04-07-2025

  • 05:23PM

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM