Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacey Shabellaha Hoose [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 4 askari oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan ciidanka xooga ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerar loo adeegsaday Qarax Miino oo ka dhacey tuulada Lamber 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in lala beegsaday Kolanyo ka tirsan milatariga Soomaaliya, kuwaasoo kasoo baxay magaalada Marka, kuna sii jeeday halka uu weerarku ka dhacey.

Illo wareedyo dhanka ciidanka ah ayaa shaaca ka qaadey in Kolanyada oo ay galbineysay ilaalo badan ay kusii jeedeen Saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Lamberka 50-ka.

"Dhawaq qarax wayn ayaan maqalnay. Markii aan banaanka usoo baxnay, waxaan arakney Gaari ay leeyihiin ciidanka dowladda oo gubanaya," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo dhacdaan ka waramay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhabarka saartey masuuliyadda Qaraxa, iyaga oo tibaaxey inay dhimasho iyo dhaawac "lixaad leh" ugu geysteen Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya, inkasta oo aysan cayimin tiradda.

Saraakiil u hadashay askarta Qaraxa lagu weerarey ayaa tibaaxay inay xubnaha wax ku noqdey, gaar ahaan dhaawacyadda la geeyay Isbitaal ku dhex-yaala Saldhiga ciidamada AMISOM ee degaanka.

Gobolka Shabellaha Hoose oo kamid ah meelaha ugu halista dalka ayaa weeraro Jidgal ah, kuwa Qaraxyo loo adeegsado iyo kuwa toos ah oo xarumaha ciidamada lagu ekeeyo waxaa ka fuliya kooxda gacan-saarka la leh Ururwaynaha Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM