Xerada ay Al-Shabaab ka furatay madaafiic lagu weeraray Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbixintii u dambeysay ee Guddiga Khubarada ee Qaramada Midoobay meelaha tooshka lagu ifiyey ayaa waxaa kamid ah saanadda iyo hubka ay adeegsadaan dagaalameyaasa Al-Shabaab.

Qormadda ayaa sheegtay in ururka markii ugu horeysay awood uu u yeeshay in uu sameysto walxo qarxa, talaabadaas oo ay ku qeexeen in ay khatar ku tahay nabadda mustaqbalka dhow ee dalka.

Xeel-dheereyaasha ayaa tibaaxay in hubka ay adeegsato qaybtooda kasoo furato xerooyinka ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo waliba kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Agabka kale ee Al-Shabaab u isticmaasho howlgaladda ay ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa kamid ah madaafiicda oo sanadihii u dambeeyay ay aad u laba-jibaartay.

Hoobiyeyaasha 81-mm-ka ah

Tan iyo bishii July, xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa fuliyey saddex weerar oo madaafiic loo adeegsaday gaar ahaan nooca 81 millimetre-ka ah.


Bishii July 1-deeda, Al-Shabaab ayaa shan madfac ku weerartay xeradda Xalane gaar ahaan iridka Jazeera.

Bishii Janaayo 1-deeda, Al-Shabaab ayaa todoba madfac ku ekeysay isla Xalane gaar ahaanx xafiisyadda Qaramada Midoobay.

Bishii Maaj 2-deeda, Al-Shabaab ayaa laba hoobiye ku gantay Madaxtooyadda Soomaaliya, oo ah xafiiska hogaamiyaha dalka.


Guddiga ayaa caddeeyay in hoobiyeyaasha lagu soo furtay weerarkii 27-kii Janaayo 2017-kii lagu qaadey saldhiga ciidanka Kenya ee degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubadda Hoose.

Ciidanka Kenya ayaa ah kuwa kaliya ee madaafiicda 81-mm-ka ah istimaalo marka laga hadlayo howlgalka AMISOM, sidda lagu xusay warbixinta oo kasoo baxday 1-dii bishaan November.

Hoobiyeyaasha 81-mm-ka ah ayaa waxaa 1975-76-dii farsameysay shirkad lagu magacaabo Royal Ordanance Factory, oo hadda hoos-timaadda BAE, sidda ay xaqiijisay Boqorooyadda Ingiriiska.

"Shirkadda iyo ciidamadda Kenya kama soo jawaabin dalab ku aadan in ay bixiyaan macluumaadyo dheeraad ah," ayay Guddigu ku yiraahdeen warbixintooda oo ka koobneyd in ka badan 100 bog.

Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay oo dhowaan hal sano oo waqti kordhin ah loo sameeyay ayaa waxay warbixintooda u gudbiyeen Golaha Ammaanka UN-ka. Dowladda Soomaaliya ma aqoonsan guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM