XOG: Kulankii u Dhexeeyey Maamulada iyo DF Soomaaliya oo Meel Xasaasi Ah Maraya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Guddiyada Farsamada ee maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka oo maalintii labaad kulan uga socdo magaalada Muqdisho ayaa maanta kawada hadlayey nooca uu noqonayo qoraalka ugu dambeeya ee kasoo baxaya gabagabada kulankaan.

Wadahadalka maanta dhexmaray labada dhinaca ayaa wararka GO helayo sheegayaan in dood adag ka dhalatey magaca loogu yeeri doono qoraalka ugu dambeeya ee kasoo baxaya kulankaan iyadoo guddiyada maamul goboleeyadu rabaan in loogu magac daro "Heshiis" halka dowlada Federaalka rabto in la yiraahdo "Warmurtiyeed".

Wararka warqabadka GO soo gaaraya dhinaca kale ayaa sheegaya in maanta kulankii u socdey guddiyada farsamada ee labada dhinac ay hareysay khilaafka siyaasdeed ee ka jira maamulka Koofur Galbeed iyadoo waftigii ka socdey maamulkaas ku eedeeyeen in dowlada Federaalka weli dabada ka riixeyso in xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxweynaha maamulkaas. Halkaan Ka Akhri

Guddiga farsamada Koonfur Galbeed oo tageero ka helaya guddiyada kale ee maamulada Soomaaliya ayaa sheegey in xubnihii siyaasiyiinta ahaa ee kasoo jeedey maamulkaas oo dowlada Federalka u dirtey Baydhabo qalalaase siyaaseed ka wadaan halkaas iyagoo isticmaalaya lacago laga siiyey Muqdisho.

Kulan hordhac ah oo madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka horey ugu dhexmarey Villa Soomaaliya inta wadahadalkaan si rasmi ah u furmin ayaa waxaa lagu heshiisyey in dhinacayadu joojiyaan siyaasada ku saleysan sidii ay isaga takhalusi lahaayeen.

Madxaweynaha dowlada Federaalka iyo Ra'isal wasaare Khayre ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay ka balan qaadey kulankaas in xubnaha ka jooga magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado dib ugu yeeran doonaan iyadoo sida la rumeysan yahay heshiiskaas albaabka u furey in wadahadlkaan si rasmiya u bilowdo.

Dhinacyada wadahadlaya ayaa la filayaa in kulakoodu socon doono ilaa maalinta berri ah iyadoo saraakiil ka tirsan guddiyadaan u sheegeen GO in laga yaabo in maalinta Sabtida ah gaaro.

Dowlada Federaalka madaxdeeda ayaa raadineysa in kulankaan qoraalka kasoo bixi doona uu diirada saaro arimaha amniga halka maamuladu doonayaan heshiis taabanaya qodobada la isku hayo..

Xuquuda xogtaan waxaa iska leh warsidaha GO hadaad isticamaaleyso xus magaca warsidahaan adigoo kala soo xiriiraya office@garoweonline.com

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM