Xogo dheer ah oo laga helay Wadahadalka dowlada Soomaaliya iyo Jubbaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Sida uu horey u baahiyay warsidaha Garowe Online [Halkan ka akhri], waxaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ka qabsoomay kulamo lagu dhex-dhaxaadinayo dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Kulamadaasi oo uu dabada ka riixayey Fahad Yaasiin, agaasimaha ku xigeenka Sirdoonka Soomaaliya, ayaa qabsoomay kahor shirka Maarso la filayo in uu ka qabsoomo magaalada Garowe la isugu soo dhawayn lahaa labada dhinac.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in wajiga labaad ee wadaxaajoodyada lagu heshiisinayo Villa Somalia iyo Jubbaland ay todobaadka soo aadan ka dhici doono magaalada Kismaayo.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in ay suurtagal tahay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu qayb ka noqdo wadahadaladaasi, oo noqoneysa markii 2aad uu tego caasimada goboleedka Jubadda Hoose.

Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid waxay aad ugu mashquulsanayd sidii ay meesha uga saari lahayd Madaxwaynayaasha maamulada, taasi oo qayb kamid ah ay ku guuleystay.

Hasa yeeshee, sidii ay jagada uga tuuri lahayd Axmed Madoobe, madaxwaynaha Jubbaland oo tan iyo 2013-kii talada haya ayaa la sheegayaa inay noqon doonto wax aad u adag, sababta oo ah saameyntisa iyo taageerada uu ka heysto Kenya.

Villa Somalia ayaa la sheegay inay ku fashilantay in ay saameyn ku yeelato tartankii madaxtinimo ee Puntland taasi oo kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo xisbina ka socon, waxana uu bedalay Cabdiwali Gaas oo xafiiska joogey [2014-2019].

Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista iyo hawada Xukuumada Khayre ayaa la fahansan yahay in uu noqonayo musharax Madaxtooyada ay dabada ka riixayso in tartanka madaxtinimada JL kasoo muuqan doona.

Bisha Agoosto ee sanadkaan 2019 ayaa la rajeynayaa in ay qabsoonto doorashada Jubbaland, taasi oo si wayn isha loogu hayo, iyadoo Axmed Madoobe uu u xusul-duubayo sidii markale loogu dooran lahaa Kursiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM