Baarlamaanka Somaliland oo ku kala qayb-samay xaaladii degdega ee Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Golaha Wakiilada maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa.

Sidda ay xaqiijisay xogheynta Aqalka Hoose, waxaa soo xaadirtay 107-mudane, iyadda oo ay jiraan kuwa kale oo sababo kala duwan ku seegay fadhiga.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka doodista iyo cod-u-qaadista xaalad degdega ah ee Muuse Biixi kusoo rogay saddex degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Gudoonka ayaa faray xogheynta Golaha in ay u mariso Xildhibaanada xeerka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku ic-laamiyey xaaladaasi, horaantii todobaadkaan.

Mudaneyaal kasoo horjeeda amarka Biixi ayaa buuq bilaabay markii gudoonku diiday in loo ogolaado in fekerkooda ay cabiraan kahor inta aan la akhrinta warbixinta.

Xildhibaanada diidan go'aanka hogaamiyaha Somaliland ayaa ku tilmaamay "mid aan loo baahneen", halka kuwa taageersan ay rumeysan yihiin in amniga lagu sugayo.

Markii xogheynta ay soo gabagabeysay akhrinta, waxaa la guda galay coddeynta balse gudoonka ayaa ku guuldareystay in uu soo bandhigo natiijada "markii ay tirada la isku qalday".

Gudoonka ayaa dalbaday in mar kale dib loo coddeeyo. Hasayeeshee, waxaa gaashaanka ku dhuftay Xildhibaanada oo fowdo iyo sawaxan ka bilaabay kulanka.

Sharcidejiyeyaal sheegtay in ay si iskooda ah u tiriyeen coddeynta ayaa tibaaxay in xeerka Muuse Biixi ay ogolaatay 40 mudane, halka ay diideen 67 kale.

Gudoonka Aqalka oo is-qabqabsi dheer kadib si degdeg ah kusoo xiray fadhiga ayaa shaaciyey in kulanka Sabtida soo aadan looga doodi doono xaaladaasi degdeg ah.

Talaabada Muuse Biixi geliyay degmooyinkaasi taasi oo soconeysa saddex bilood ayaa ka dambeysay markii laba sarkaal oo ka kala tirsan Booliska iyo Asluubta lagu khaarijiyay. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM