Ingiriiska siduu u arkaa mowqifkeeda gooni-isku-taaga Somaliland?

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiiru dowladaha Qaaradda Afrika u qaabilsan Ingiriiska, ahna xubin ka tirsan Baarlmaanka wadankani, Harriett Baldwin ayaa gaashaanka ku dhuftay in dalkeeda uusan Somaliland u aqoonsaneen dal madax banaan.

Harriett Baldwin oo Soomaaliya timid maalmo kahor ayaa sodaalkeeda waxay kasoo bilaabtey Hargeysa halkaasi oo ay kulamo kula yeelatay masuuliyiin ka tirsan maamulka gooni isku taaga ah.

Lugta labaad ee safarkeeda caasimada dalka ee Muqdisho ayey ku timid iyadda Madaxtooyadda kula kulantey Ra'iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre oo ay isla soo qaadeen arrimo kala duwan.

Xogta uu warsidaha Garowe Online ka helay kulanka Baldwin iyo Khayre waxay sheegaysaa inay kamid tahay arrimaha ay isla gorfeeyeen dib u bilaabidda wadaxaajooydadda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dowlada Ingiriiska ay balanqaaday inay taageero dhinac kasta ay la garab-istaagi doonto labadda dhinac gaar ahaan qarashaadka ku baxaya safarada masuuliyiinta.

Geesta kale, Wasiir Harriett Baldwin oo wareysi siisay Goobjoog waxay sheegtay in dalkeeda uusan Somaliland u aqoonsan yahay wali inuu yahay gobol katirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

"Maya," ayey ku jawaabtey markii la su'aalay waxa ka jira wararka sheegaya inuu Ingiriisku ula macaamilo maamulka Hargeysa sida wadan ka madax banaan xukuumadda Muqdisho.

Balse, Harriett Baldwin ayaa muujisay sida ay uga go'an tahay UK in doodaha ku saabsan gooni-isku-taaga Somaliland loosoo afjari lahaa, iyadda oo la marayo qaab aanan muranka sii xoojinaynin.

"UK uma aqoonsana Somaliland dal madax-bannaan, waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed iyagoo u maraya geeddi socodka siyaasadeed iyo doodaha dastuurka inay iyagu wadahadlaan go’aanna ka gaaraan sida ugu habboon ee Soomaaliya horey loogu sii wadi karo," ayey raacisay hadalkeeda.

Hadalka Wasiiru dowladaha ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadala Soomaaliya ay daboolka ka qaaday inay ka go'an tahay maamulkeeda ka midoobida Muqdisho, inkasta oo ay shuruudo ku xirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM