Is-aragii Farmaajo iyo Biixi oo sii kala fogeeyay xisbiyadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Is-aragii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa u muuqda mid sii kala fogeeyay hogaamiyeyaasha siyaasada Somaliland, oo kolkii hore madaxa isugula jiray doorashooyinka.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Bulshadda ee UCID, ayaa "mid aan munaasab ahayn oo qarsoodi ahaa" ku qeexay kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Kadib shirkii 33aad ee Midowga Afrika, Biixi iyo Farmaajo ayaa ku kulmay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, markii ugu horeysay taariikhda, inta la og-yahay.

"Labada xisbi [UCID iyo WADDANI] marka ay ogaadaan waxa meeshaas ka dhacay waxay kasoo saari doonaa war-saxaafadeed ay ku caddeynayaan mowqifkooda," ayuu Faysal yiri.

Muuse Biixi Cabdi ayuu ku nuux-nuux saday in looga baahan yahay uu fahfaahino sababta uu sidda "sahlan" ugu tegay caasimadda Itoobiya.

"Arrintaas waa qadiyad aad iyo aad u culus oo u baahan in laga fiirsado, la dabagalo wixii meesha ka dhacay," ayuu ku adkeystay.

Isagoo ka jawaabaya su'aasha waxa uu kaga duwan yahay kulankii uu la yeeshay Farmaajo ayuu ku warceliyey "kaasi waa laga soo gudbay, marka xiligeeda la gaaro ayaan ka hadli doonaa".

Bishii July sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii Farmaajo iyo Faysal Waraabe ay ku kulmeen Brussels, magaala madaxda waddanka Belgium.

Cadaadis soo food-saarey Muuse Biixi

Iyaddoo Farmaajo uu u muuqdo mid xaalad xalisoon ku jira, Biixi waxaa soo food-saarey cadaadis jihooyin kala duwan ka imaanaya oo ku aadan in uu fahfaahiyo kulankaas.

Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo qudhiisa Biixi ay isku arkeen Addis Ababa, ayaa meesha ka saarey "in ay qeyb ka ahaayeen ama ay wax ka ogaayeen qorshaha kulanka"

"Kulanka Farmaajo iyo Muuse annaga koley qeyb kama aanan ahayn, waxaase waajibku yahay saaran madaxweynaha in uu shacbigiisa si daahfuran uga waramo arrintaas, waxaana mowqifka axsaabta qaranku yahay in wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland laga yeesho talo-qaran, axsaabtu qeyb ka yihiin, dhamaan Jamhuuriyadda Somaliland-na ay qeyb ka yihiin," ayuu shalay u sheegay wariyeyaasha kadib markii uu ka degay Hargeysa.

Wada-hadalada Muqdisho iyo Hargeysa oo hakad ku jira muddo badan ayaa qorshuhu ahaa in dib loo bilaabo inta ay xafiiska joogto dowladda Farmaajo oo lagu eedeeyay "in aysan abuurin jawi wada-xaajood".

Hogaamiyeyaasha labada dhinac ayaa mar walba fagaareyaasha kaga dhawaajiya in ay diyaar u yihiin wadahadalka, balse ma jirto talaabo cad oo ay qaadeen.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii, balse ma helin aqoonsi caalami ah.

Kadib kulankii Biixi, Farmaajo wuxuu raaligelin ka bixiyey xasuuqii dowladii kacaanka u geysatay Somaliland, isagoo jabhadihii la dagaalamay Siyaad Barre ku waaniyey dhankooda in cudurkaas lamid ah ay sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM