Cirro oo shaaciyey mowqifkiisa kulankii Farmaajo iyo Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa maanta dib ugu laabtay Hargeysa kadib safar shaqo uu dibadda ugu maqnaa.

Cirro oo qaar ka tirsan saxaafadda u waramay ayaa wuxuu xaqiijiyey in Addis Ababa, caasimada Itoobiya, uu kula kulmay Muuse Biixi Cabdi.

Hogaamiyaha maamulka Hargeysa ayuu shaaciyey in ay kawada hadleen khilaafka xoogan ee ka jira doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo aan qabsoomi lix sano.

Intii lagu guda jira shirka jaraa'id, Cirro ayaa caddeeyay in ay Biixi "isku aragti" ka noqon waayeen doorashada iyo kala dirista guddiga lagu muransan yahay ee doorashada.

Muranka guddiga gaar ahaan xubno kamida iyo heshiis siyaasadeed oo aan jirin ayaa kamid ah caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashooyinka oo lixdii sano ee lasoo dhaafay baaqdey.

"Dalka doorasho la'aan kusii socon maayo, Somaliland-na doorasho la'aan kusii jiri meyso aniguna masii joogi karo doorasho la'aan, Muuse-na ma joogayo doorasho la'aan, guusha doorashada in la qabtay madaxweynaha ayaa yeelan doona, guuldarada doorashada in la qaban waayo isagaa yeelan doona," ayuu Cirro u sheegay koox wariyeyaal ah.

"Qeyb kama ahayn"

Dhanka kale, Cirro ayaa soo hadal-qaadey kulankii madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Muuse Biixi ku dhexmaray xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

Muuse Biixi Cabdi ayuu cod dheer ugu waaniyey in uu muwaadiniinta u sharaxayo qodobadii ay kawada xaajoodeen Farmaajo.

Gudoomiye Cirro ayaa iska fogeeyay in uu wax ka ogaa is-araggaas isla markaana xisbi ahaan ay qeyb ka ahaayeen wadahadalka.

"Kulanka Farmaajo iyo Muuse annaga koley qeyb kama aanan ahayn, waxaase waajibku yahay saaran madaxweynaha in uu shacbigiisa si daahfuran uga waramo arrintaas, waxaana mowqifka axsaabta qaranku yahay in wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland laga yeesho talo-qaran, axsaabtu qeyb ka yihiin, dhamaan Jamhuuriyadda Somaliland-na ay qeyb ka yihiin," ayuu ku adkeystay gudoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Somaliland.

Kulanka dhexmaray Farmaajo iyo Biixi ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo hogaamiye ahaan ay yeeshaan, wuxuuna yimid iyaddoo mudada xileedka dowladda federaalka uu dhamaad ku dhow yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM