Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay doorashadda Saciid Deni

Image

HARGEYSA, Somaliland -Gollaha Wakiilada dowladda Puntland aaa shalay oo Talaado ahayd waxay udoorteen Saciid Cabdullaahi Dani inuu noqdo Madaxwaynaha cusub ee bedali doono Cabdiwali Maxamed Cali [Gaasi].

Sharcidejiyaasha ayaa sidoo kale Axmed Karaash udoortay inuu noqdo Madaxwayne ku xigeenka, isaga oo bedalaya Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey. Gaas iyo Camey ayaa looga adkaaday wareega 1aad.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah UCID ee degaanada Somaliland, ayaa soo dhaweeyay guusha Saciid Dani, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku guuleysto waajibaadka cusub.

"Aniga wax-badan ayaan garanayaa Dani..dhowr jeerna waan kulanay, waxaan aaminsanahay inuu uqalmo jagadaasi," ayuu Faysal Waraabe ku sheegay wareysi dhinaca telafoonka ah oo uu siiyay Talafishinka HCTV.

Hadalkaan ayaa wuxu kusoo aadayaa iyadda oo aanan wali ka hadlin maamulka Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa talada haya ee KULMIYE, oo xur-guf colaadeed ay kala dhaxeysay xukuumadii Cabdiwali Gaas.

Labada maamul - Puntland iyo Somaliland – oo ay ka dhaxeyso colaad soo jireen ah ayaa waxay isku hayaan gacan ku haynta gobolka Sool, halkaasi oo haatan ukala qaybsan labo dhinac oo ay ukala joogaan ciidamo iyo maamul.

Bishii Janaayo ee sanadkii hore, ciidamada Somaliland ayaa dagaal kula wareegay tuulada Tukaraq, waxaana maamulkii Cabdiwali Gaas uu ku fashilmay in mudadii uu xafiiska joogay abaabulka ciidamo xorreeya.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in oraahda Faysal Waraabe ay tahay tusaale oo muujineysa in Somaliland ay isku hayso inay kamid tahay Soomaaliya, inkasta oo ay sheegato inay ka go’day tan iyo 1991-dii, wallow aanan la aqoonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM