Roobab dabaylo watay oo dad ku laayey caasimadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey saddex qof – laba raga iyo haweenay – ayaa ku naf-waayey roobab dabaylo watay oo saacadihii lasoo dhaafay ku da'ay Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Laba ragga ah waxaa qaadey daadad, halka ruuxa dumarka ah ay dishay koronto, sidda uu sheegay hogaanka caafimaadka ciidanka dab-damiska.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska, waxaa lasoo badbaadiyey tirro dad oo daadadku qaadeen iyagoo saaran gaadiidkooda kadib howlgalo kala duwan oo ciidamadda ay sameeyeen.

Dadka degaanka ayaa isgaarsiinta ugu sheegay warsidaha Garowe Online in ay jiraan guryo uu saameeyay roobku isla markaana uu saqafkii ka qaadey.

Roobka oo ah midka Gu'ga oo dhowaanahaaba aanan ka da'in degaanada Somaliland ayaa aalaaba sababa waxyeelo soo gaara dadka shacabka ah, mana muuqdo qorshe xukuumadda uga gaashaamaneyso.

"Sidaas darteeda, mar walba arrinta muhiimka ah waxay tahay oo aan u direyno darawaliinta xiliyadda xaaladaha noocaan ah ay jiraan in laga feejignaado. Sidoo kale dadweynaha waxaan u direynaa in ay nala soo xiriiraan," ayuu yiri agaasimaha waaxda caafimaadka dab-damiska Somaliland.

Magaaladda Hargeysa oo sii fideysa waxaa aad ugu hooseeya qorsheyaasha horumarinta gaar ahaan kuwa looga hortagayo musiibooyinka noocaan ah, waxayna wajaheysaa caqabado u baahan in xal laga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM