Saddex bilood kadib, Somaliland oo xukun ku riday Coldoon

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maxkamad ku taala Hargeysa ayaa saddex sano iyo bar oo xabsi ah ku xukuntay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, sidda ay xaqiijiyeen qareenada.

Coldoon ayaa lagu eedeeyay olale ka dhan ah xukuumadda kadib qoraal uu ku dhaliilayo maamulka Muuse Biixi jira oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee bogaga bulshadda.

Xukunkan ayaa kusoo beegmaya kadib muddo saddex bilood ah oo Coldoon uu ku xirnaa xabsi, isaga oo markii hore laga soo qabtey banaanka hoyga uu ka degan yahay Burco.

Go'aanka xeer-beegtada ayaa sidoo kale imaanaya iyadda oo hay'addo caalami ah dhowaan codsadeen in xorriyadooda loo celiyo dad uu kamid yahay Coldoon oo u xiran maamulka gooni isu taaga ah.

Ururada saxaafadda ee ka jira Soomaaliya si gaar ah maamulka Somaliland oo horey cambaareeyay xariga wariyaha ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay xukunka Isniinta maanta ah lagu riday.

Hay'addaha oo walaac ka muujiyey xaalada xorriyadda hadalka ee ka jirta Somaliland ayaa xukuumadda ku eedeeyay cabsigelinta iyo maxkamadeynta siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Bishii hore ayay ahayd markii maxkamad ay xabsi ku xukuntay siyaasi mucaarad ah, kaasoo dhaleeceyn u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi oo sidoo kale xirtay xarumo warbaahineed.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah wariye iyo samafale ayaa dhowr jeer la xiray xukunna lagu riday, iyadda oo ay su'aal badan dul-saaran yihiin sababta loo beegsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM