Somaliland: Guurtida “Kufsiga ayaa ka badan dilalkii dhacay 2016”

Image

HARGAYSA, Somaliland- Golaha guurtida Somaliland gaar ahaan Guddi hoosaadka shuruucda, garsoorka iyo arrimaha xuquuqal isnaanka golaha guurtida ayaa soo bandhigtay warbixin ay uga hadlayaan tacdiyadii deegaanada Somaliland ka dhacay sannadkii hore, iyagoo kasoo xigtay xeer ilaalinta guud ee maamulkaas.

Warbixintan ayaa diiradda lagu saaray dhammaan kiisaskii kala duwana ee ka dhacay guud ahaan gobollada Somaliland.

Kulan goluhu ku yeeshay magaalada Hargaysa, ayaa lagu sheegay in sannadkii hore ay dhaceen wadar ahaan 77 dil, halka kufsiga lagu sheegay inuu gaarayo 91 kiis.

Gobolka Togdheer ayaa noqday kan ugu badan ee dilalku ka dhaceen, waxaana la sheegay in lagu qorgooyay 27 ruux sannadkii hore.

Waxaa soo raaca gobolka Maroodi jeec oo isagana lagu dilay 15 ruux.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu muujiyay kiisas isugu jira Shilal gaari iyo Maandooriyaal kuwaasoo warbixintu xustay inay wadar ahaan gaarayaan 189 iyo 156.

Halkan ka Akhriso sida gobollada Somaliland kiisaskaasi uga dhaceen;

Maroodi jeex: lagu dilay 15 dil, budhcad 108, kufsi 26, shil gaadhi 55, maandooriya 27, isku day dil 18 buu ahaa

Togdheer: dilku wuxuu ahaa 27, budhcad 37, kufsi 17, Shil –gaadhi 29, Maandoriye 43, Isku day 17

Awdal: Dil 6, Budhcad-nimo 11, Kufsi 8, Shil 4, Maandooriye 12, Isku day dil 4

Saaxil: 12 dil, Budhcad 4,Kufsi 6 Shil 47, Mandoriye 20, Iskuday dil 2

Sanaag:  Dil 6, Budhcad 4, Kufsi 19, Shil baabuur 6, Maandooriye 4, Isku day 8

Sool:  dil 3, Budhacadnimo 5, Kufsi 8, Shil 12, Mandooriye 24, Isku day dil 24

Gabiley: dil 5, budhcad 9, kufsi 5, shil gaadhi 34, maandooriye 24 iyo iskuday dil 0

Saraar: dil 4, budhcad 0, kufsi 2, shil gaadhi 2, maandooriye 0 iyo isku day dil 3.

Dhammaan kiisaskii dhacay ayaa guurtidu sheegtay inay ahaayeen;

Isu gaynta guud: dil 77, budhcad 167, kufsi 91, shil gaadhi 189, maandooriye 156 iyo iskuday dil 59.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM