Somaliland oo aqoonsi ku raadinaysa inay marti-geliso saldhigyo military

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa daneynaysa inay marti-geliso saldhigyo military oo Berbera ku yeeshaan dalalka Ingiriiska iyo Ruushka, si ay u dardar-geliyo halganka ay mudada 28-ka sano ugu jirto inay aqoonsi caalami ah hesho.

Todobaadkii tagey, Wasiirka difaaca Ingiriiska, Gavin Williamson ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Somaliland, isagoo Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiirka arrimaha Dibadda, Yaasiin Xaaji, Wasiirka difaaca, Ciise Axmed iyo Nuux Ismaaciil Tani oo ah Jeneraal ciidan.

Safarka uu Gavin ku tagey Somaliland ayaa ka caraysiisay dowladda Federaalka, kadib markii uu baajiyay safar u qorsheysanaa inuu Muqdisho ku tago iyo kulan uu la qaadan lahaa Madaxweyne Farmaajo. [Halkan ka akhri warka]

Villa Somalia ayaa ka ceyrisay Muqdisho Wakiilka Qaramada Midoobey Nickolas Haysom, iyadoo go'aankeeda u cuskatey inuu faraageliyay madax-banaanida dalka, kana hadlay arrimo ka baxsan howlgalka xafiiska UNSOM.

Axmed Xasan Cigaal, oo ah madaxa howlgalka diblomaasiyaadeed ee Somaliland ku leedahay Ethiopia ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka Turkiga, Anadolu Agency in Gavin iyo Muuse ay kawada hadleen sidii Ingiriiska saldhig military uga sameysan lahaa Berbera.

Somaliland ayaa dooneysa in iskaashi military la yeelato Ingiriiska iyo awoodaha kale ee reer galbeedka, si ay uga faa'idaysato ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan, si lamid ah wadanka Jabuuti oo martigelinayo saldhigyo dhowr ah.

Magaalada Berbera waxay ku taallaa Badda Cas, oo ah marin-biyood aad u mashquul badan, oo maraakiibta caalamka isaga kala gooshta, iyadoo dalka Jabuuti ay saldhigyo military ku leeyihiin Mareykanka, Faransiiska, China, Japan, Italy iyo Jarmalka.

Dalka Jabuuti, oo madax-banaanidiisu ka qaatey Faransiiska 1977 ayaa martigelinaya saldhigyo military, kuwii ugu badnaa oo wadan marigeliyo caalamka, iyadoo uu ka qaado dowladaha saldhigyada ku leh lacago canshuur ah sanad walba.

"Hadii dalkan yar ee Jabuuti uu martigelinayo saldhigyo badan oo dhanka badda ah, oo dalal badan ku leeyihiin, maxaa u diidaya Somaliland," ayuu yiri Axmed Xasan.

Mar la waydiiyay hadii Ingiriiska uu qorsheynayo inuu saldhig military oo dhanka badda ah ka furto Somaliland, ayuu ku jawaabey, "Waxaa jira ahmiyad Istaraatiiji oo Somaliland laga leeyahay, qaar kamid ah dalalka caalamka ayaa doonaya inay yimaadaan, Wasiirka difaaca UK arrimahaasi ayuu u yimid. waxaan ognahay in Ingiriiska xiriir taariikhi ah kala dhaxeeyo Somaliland, sababtoo ah amniga ka jira oo aad u daneynayaan," ayuu yiri Axmed.

Danaha Ingiriiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah inuu xiriir labo geesood ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo qeybaha kala la yeesho Somaliland, sida uu sheegay Wakiilaka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

Wuxuu intaasi ku daray in Ruushka sidoo kale leeyahay dano lamid ah kuwa Ingiriiska uu ka damacsan yahay Somaliland.
"Waxaan dooneynaa inaan ku casuunno Somaliland cid walba oo dano ka leh, sida Imaaraadka oo ah dalkii ugu horeeyay oo aan la galnay heshiis inuu saldhig ciidan ka dhisto magaalada Berbera," ayuu yiri mas'uulkan.

'Midnimada Somalia'

Axmed oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in Somaliland ka go'day Somalia inteeda kale 1991, islamarkaana aysan markale dib ugu laaban doonin midnimada iyo Soomaaliweyn, madaama ay go'aansatay inay noqoto dal gooni u tagan 28 sano kahor.

Wuxuu ku faaney Axmed in Ethiopia iyo Jabuuti ay xafiisyo dhanka diblomaasiyadda qaabilsan ku leeyihiin Hargeysa, sidaasi si lamid ah dalal kale ay doonayaan inay qunsuliyado ka furtaan Somaliland.

Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa aad uga soo horjeedo sheegashada Somaliland ee ah inay ka go'day dalka intiisa kale, waxaana ay dhowr jeer oo hore la sameysay maamulkii Siilaanyo wadahadallo ku saabsan midnimada dalka.

Somaliland ayaa dhul ballaaran ka qabsatay Puntland, waxaana labada dhinaca marar badan dagaallo ku dhexmaray gobolka Sool, iyadoo wali xiisad ka taagan tahay Tukaraq, oo bishii January 2018 maamulka Hargeysa la wareegay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Somaliland ay kusoo xad-gudubtay dhulka Puntland, isagoo ugu baaqey Maamulka Muuse Biixi in uu si nabad ah ciidamadiisa ugala baxo dhulka ay sharci darrada ay ku joogaan. [Halkan ka akhri warka]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM