Somaliland oo ka hadashay doorka Beesha Caalamka ee Colaada Tukaraq

Image

HARGEYSA, Somaliland - Iyadoo warsidaha Garowe Online uu horey u baahiyay in Beesha Caalamka soo fara-gelisay colaadda Tukaraq, ayna dooneyso inay dhex-dhaxaadiso Puntland iyo Somaliland, ayaa waxaa xaqiijiyay maamulka Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dhaxdhaxaadinta saaxiibada Soomaaliya ay bud-dhig u tahay, xabad-joojin, wadahadal, in hogaamada ciidamada kulmaan iyo maxaabiista.

Wuxuu sheegay in hadda ay socdaan wadaxajaoodyo, kuwaasoo uu rajo wanaagsan ka muujiyay inay noqdaan kuwa kusoo dhamaada wanaag, isagoona tilmaamay in maamulkiisa diyaar uyahay nabadda.

Wasiirka ayaa wuxuu tilmaamay in wadahadalkaan uu ka yimid dalabkeeda dhanka Beesha Caalamka, islamarkaana ay iyada ka timid fekerada ku saabsan in la wada hadlo, ayna aqbaleen.

Dr Sacad ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in dagaalka hadda kala dhaxeeya Puntland uu yahay midkii ugu adkaa oo ay la galaan, sababtuna wuxuu ku sheegay inay helayso taageero badan, siduu hadalka udhigay.

"Dagaal sidaan u aloolsan, sidaan u abaabulan, sidaan qeylodhaan badan, wali nama soo marin. Marka waa mid ka wayn kaliya inuu dhinac Puntland ka socda, waana mid loo dhan yahay, gacmo badan ku jiraan," ayuu yiri.

"Waxaan ku waanin lahayn cid kasta oo ku lug inay joojiso dagaalka," ayuu hadalkiisa kusii daray Wasiirka.

"Dadka reer Sool, uma baahna dagaal, waxayna ubaahan yihiin Nabad, horumar iyo Barwaaqo. Inaga ahaan nabad diyaar ayaan unahay mar walba," ayuu sii daba dhigay Wasiir Sacad.

-Isbedalada Siyaasadeed ee Itoobiya-

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo ka hadlaya isbedalada siyaasadeed ee ka dhacaya dalka Itoobiya oo xiriir dhow la leh maamulka Hargaysa, ayaa wuxuu diiran usoo dhaweeyay Istaraatiijiyadda cusub ee Abiy Axmed.

"Horta xiriirka aan la leenahay Itoobiya waa mid taariikhi ah, isbedelada uu sameynayo Ra'iisul Wasaaraha cusub Abiy Axmed, waxaan filaynaa inay sii xoojin doonto xiriirkeena, ee ma filayno inuu hoos udhigo," ayuu tilmaamay.

"Dhaqdhaqaaqyada badan ee uu sameynayo Ra'iisul Wasaaraha, waxaan ua ragnaa inay yihiin kuwa uu isaga dejinayo culeysyadda siyaasadeed ee saaran, ay tahay istaraatiijiyad wanagasan.

"Sidaas darteeda, wuxuu umuuqdaa mid dhaqaalaha iyo kobcintiisa diiradda saaraya," ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM