Somaliland oo ka hadashay Heshiiskii Farmaajo iyo Abiy Axmed

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire oo wariyaasha kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadalay sodcaalkii uu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ku yimid Muqdisho iyo heshiisyadii uu la galay Farmaajo.

Heshiiska oo ka koobnaa 16 qodob, ayaa waxaa qeyb ka ahaa qodob sheegaya in xukuumadda Addis Ababa ay maalgashan doonto afar dekadood oo ku yaala Soomaaliya, kuwaasoo aan la carabaabin halka ay ku yaalaan.

Balse, warar leysla dhex-marayo ayaa tilmaamayaa in mid kamid ah dekadahaas ay mida yahay mida Berbera, taasoo dowlada Soomaaliya ay horey uga soo horjeesatay heshiis maalgshiga ee shirkada DP World la gashay maamulka Somaliland.

Laakiin, Wasiir Sacad ayaa wuxuu gaashaanka ku dhuftay wararkaas leysla dhexmarayo, isagoo sheegay in Bebera heshiiskeeda uu yahay mid dhacay, islamarkaana dib dambe aan loogu laaban doonin.

Itoobiya ayaa waxay saami dhan 19% ay ku leedahay heshiiska shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World, taasoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horey uga mamnuucay dalka.

Dhanka kale, Dr Sacad oo soo hadalqaaday booqashada uu Abiy Axmed ku yimid magaalada Muqdisho ayaa wuxuu tilmaamay inay tahay mid aanan wax saameyn ah ku yeelan doonan dhankooda.

Itoobiya iyo Somaliland waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana la ogyahay in Qunsuliyad ay ku leedahay xukuumada Addis Ababa magaalada Hargeysa, ayna siiso taageero dhinac walba ah.

Balse, lama oga sida uu u saameyn doono Somaliland heshiiska Farmaajo iyo Abiy Axmed, maadaama qodobadii ay ku heshiiyeen uu kamid yahay in labada dal ilaaliyaan midnimadooda.

HOOS KA DAAWI WAREYSIGA DR SACAD: 

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/UX-hJcgRtHM" frameborder="0" allow="autoplay; encrypted-media" allowfullscreen></iframe>

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM