Somaliland oo la dalbaday in ay ka dhacdo doorasho lasoo horumariyey

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah waxay dalbadeen in lasoo horumariyo doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.

Doorashooyinka ayay soo jeediyeen in si wadajir ah loo qabto sanadkan 2020, iyaddoo aan waqti kale dib loo dhigin, taasoo ay xuseen in ay tahay "wax aysan aqbali karin".

Hogaamiyeyaasha UCID iyo WADDANI oo wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa ayaa arrintaan u cuskaday in hogaanka talada haya uu "ku fashilmay" in uu hogaamiyo maamulkaas.

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ku eedeeyeen "kaligii talisnimo" ayay ku nuux-nuux-sadeen "in aysan u qalmin" in ay majaraha u sii hayso Somaliland.

Biixi ayay ku eedeeyeen in uu "ku guuldareystay" tafaasiil waafi ah ka bixiyo kulamadii uu la yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kala ku eedeeyay maamulka Biixi in uusan ka warbixin wafdigii Itoobiya ee todobaadkii lasoo dhaafay ka degay Hargeysa.

Doorashooyinka iyo kulankii Farmaajo ee Addis Ababa waa madax xanuunka ugu badan ee Biixi kaga imaanaya mucaaradka, oo ka digay in leyska indha-tiro baaqooda.

Baarlamaanka haatan ka jira Somaliland ayay ku sifeeyeen mid sharci darro ah, "maadaama uu dhamaadey mudada xileedkiisa".

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa tibaaxay in wafdiga Itoobiya uu socdaalkoodu daaranaa dekada Berbera oo Addis Ababa ay saami ku leedahay.

Siyaasadda Somaliland ayaa aad u kacsaneyd todobaadyadii u dambeeyay, waxaana ay xoogeysatay markii ay soo baxeen warar sheegaya in Farmaajo tagayo Hargeysa, inkastoo la beeniyay.

MUUQAALKA XUBNAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM