Somaliland oo soo wajahay walaac kadib markii hubka DF loo adeegsaday weerarkii Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya - Kadib markii booliiska Kenya sheegay in hubkii loo adeegsaday weerarkii dhismaha DusitD2 hotel ee Nairobi ay lahayd dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Somaliland ayaa ku baaqday in hubka iyo qalab milatari ee laga iibinayo ama la siinayo Xukuumadda Muqdisho lagu sameeyo baaritaan dhab ah.

Warqad loo diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Francisco Antonio Cortorreal, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Yaasin Xaaji Maxamed uga hadlay deeq gaadiidka gaashaaman ah, oo Qatar dhawaan ku wareejisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in hubka iyo qalabka kale ee militariga ee dibadda looga keenayo dowladda Federaalka ay xad-gudub ku tahay xayiraadda hubka ee hadda saaran Soomaaliya iyadoo khatar gelinayso amniga Somaliland iyo guud ahaan waddamada dariska ah sida Kenya.

COLAADDA DABA-DHEERAATAY

Wasiirka ayaa yiri: "Ku xad-gudubka xayiraadda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu sii kordhin doonaa colaadda daba-dheeraatay iyadoo cawaaqib xun u keenayo Soomaaliya iyo inuu keenayo xasilooni darro gobolka iyo Somaliland."

Maxamed ayaa sheegay in qaraarka QM ee tirsigiisu yahay "2444" wuxuu mamnuucay in hub laga iibiyo Soomaaliya. Wuxuu sheegay in hubkan ay inta badan ku dhaco gacmaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Walaaca Somaliland ayaa imanaya maalmo kadib markii booliska Kenya ay xaqiijiyeen in saddex ka mid ah shantii qori [AK-47] ee loo adeegsaday weerarrada argagixisada ee dhismaha Hotelka DusitD2 ay markii hore soo iibsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

QALABKA MILITERI

Bishii November ee sanadkii hore, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in qalab millatari oo ay soo iibsato Dawladda Federaalka Soomaaliya uu galo gacmaha dhaqdhaqaaqa mucaaradka [Al-Shabaab].

UN-ka ayaa sheegay in hub soo galay Soomaaliya bartamihii 2017 la rumeeysan yahay in uu qaarkiis ku dhamaaday [ku jiro] gacmaha Al Shabaab, Daacish iyo ganacsatada hubka ee Muqdisho iyo Baydhabo.

Al Shabaab oo ah khatarta ugu weyn amniga Soomaaliya iyo midka gobolka Geeska Africa ayaa ka hesha hubka ay ku dagaalanto gudaha dalka, hadii ay ahaan lahayd mid ay iibsato iyo mid ay ku qabsato weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM