Somaliland oo xabsiga dhigtay Siyaasi rabo inuu maamul cusub dhiso

Image

BURCO, Somaliland - Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xalay xabsiga dhigay Siyaasi caan ah kadib markii uu ku dhawaaqay inuu dhisayo maamul cusub, oo aan hoos-tagin Hargeysa.

Saleebaan Ibraahin Maxamuud, ayaa lagu xiray magaalada Burco, isaga iyo shaqsiyaad kale oo kala shaqeynayay sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolka Saaxil, kaasi oo lagu magacaabo Saaxil-Land.

Xariga Siyaasiga ayaa ka dambeeyay maalmo kadib markii uu magaalada Burco ka sheegay tallaabada uu Maamul goboleedka cusub ugu sameynayo gobolka Saaxil.

Maamulka Soomaalialnd ayaa aad uga carooday qorshaha Saleebaan waxaana la dhigay Xabsi, iyadoo laga yaabo in lasoo taago maxkamad, sida Illo-wareedyo u sheegeen Garowe Online.

Saleebaan Ibraahin Maxamuud ayaa la sheegay inuu aad u dhaliilsan yahay siyaasadda maamulka Hargeysa ee ku aadan gobolka Saaxil, oo uu kasoo jeedo iyo mashaariicda ka socda magaalada Berbera.

Somaliland ayaa horey u xirtay Weriyaal, Siyaasiyiin, Fanaaniin iyo Shaqsiyaad kale oo aaminsan Midnimada Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid tahay Naciima Abwaan Qorane oo wali xabsiga ku jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM