Somaliland oo xukuno ku ridday askar lagu eedeeyay fal dil ah

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maxkamadda Ciidamadda Somaliland ayaa xukuno isugu jira dil iyo xarig waxay ku riday saddex askari oo booliis ah.

Maxamed Yaasiin Faarax oo lagu soo oogay dacwad ah dilka marxuum Caydaruus Maxamed Daahir ayaa lagu xukumay dil toogasho.

Xeer-beegtada ayaa tilmaantay in xukunkaas uu yahay qisaasta Caydaruus oo lasoo wariyey in lagu toogtay nawaaxiga magaalada Wajaale.

Sidoo kale, Cabdinaasir Maxamuud Guuleed iyo Cumar Maxamed Cabdi ayaa waxaa lagu waramay in lagu xukumay min 11-sano oo xabsi ah.

Xukunsaneyaasha ayaa lala xiriiriyey khaarijinta Caydaruus, sidda cad gal-dacwadeedka laga gudbiyey, kaasoo ay heshay warbaahinta.

Bishaan Janaayo 15-keeda ayay ahayd markii Somaliland ay toogasho ku fulisay lix eedeysane oo lagu eedeeyay dil iyo argagaxisinimo.

Midowga Yurub oo talaabadaas si xoogan u cambaareeyay ayaa tibaaxay in ay tahay mid si toos ah kaga hor-imaaneysa xuquuqda bini'aadamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM