Hooyo loo xukumay in ay qolkeeda jiifka ku goglatay calanka Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maxkamad ku taala caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa lagu waramay in ay lix bilood oo xabsi ah ay ku xukuntay haweenay qolkeeda hurdada ku sharaxatay calanka baluuga ah ee Soomaaliya.

Degan Cumar Abshir oo loo garan og-yahay Degan Miiraash ayaa laba bilood xabsi ku qaatay kahor inta aan maanta xukunkaan lagu ridday.

Haweenaydan oo ah hooyada afar caruur ah isla markaana midka ugu yar uu jiray todoba bilood markii lasoo xiray waxaa soo qabtay nabad-sugida maamulka Hargeysa.

Marwo Miiraash oo kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa la sheegay in tobbankii sano ee lasoo dhaafay ay deganeyd. Hoygeeda waxaa lasoo wariyey in la bilaliqeystay kadib xarigeeda.

Qoyskooda oo tabiyey in ay soo basaaseen deriskeeda ayaa daaha ka rogay cunugeeda yar ay soo wajahdey xaalad culus kadib markii xorriyadda laga qaadey hooyadii.

Markii ciidamaddu isku dayeen in ay ku qasbaan in ay ka noqoto go'aankeeda, Degan oo muuqaal kasoo dhex-duubtay jeelka ayaa ku celcelisay erayada "Soomaaliya hanoolaato, Soomaaliya hanoolaato".

Dacwad-oogeyaasha maamulka gooni u goosadka ah ayaa ku guuldareystay in ay saxaafadda u soo bandhigaan eedaha lagu soo oogay.

Inkasta oo aysan aqoonsi caalami ah ka helin wadamadda caalamka, Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegta in ay ka go'een Soomaaliya. Taas bedelkeeda, dunida waxay u aragtaa maamul hoostaga Muqdisho.

Bishii May, 2019, booliska Hargeysa ayaa u xiray Cabdiraxmaan Maxamed Cali [Aar] oo wiil dhalinyaro ahaa in uu ku labistay calanka Soomaaliya. Maalmo kadib markii xorriyadiisa uu dib u helay wuxuu yimid Muqdisho.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Farmaajo ayaa bishii Janaayo, 2020 wuxuu qaabilay Aar. Kahor kulankaan, wiilkaan dhalinyarada ah wuxuu booqdey xafiiska ra'iisul wasaaraha KMG ah Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM