Wafdi ka socda Itoobiya oo ku sugan Somaliland [Sawirro + Fahfaahin]

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Soomaalida dalka Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa u tagey Somaliland ka qeybgalka munaasabad lagu dhagax-dhigay wadada xiriirisa Berbera iyo Wajaale.

Mashruucan lagu dhisayo jidka, oo ku kacaya malaayiin dollar ayaa qeyb ka ah heshiiska Dekadda Berbera, oo sanadkii tagey Dubai ku kala saxiixdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya.

DP World ayaa maalgashi $442 million ku sameynaysa Dekadda Berbera, oo ballaarin ku sameynayso, iyadoo u dhisaysa qeyb ay kusoo xirtaan maraakiibta waaweyne ee Kunteenaradda, waxaana ay dhisaysaa wadada tageysa degmada Wajaale, ee Itoobiya.

Mustafe Cagjar ayaa kula kulmay Madaxtooyadda Hargeysa Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay kamid tahay ballaarinta isdhex-galka ganacsi ee dowlad degaanka iyo Somaliland.

Ballaarinta Dekadda Berbera iyo wadada Wajaale ayaa muhiim u ah Ganacsatada Itoobiya, oo wax ka dhaafsan doono, kana soo dejisanaya Dekadda, iyadoo dhaqaalaha laga helo adeegyadda DP World bixinayso ay la wadaagayso Somaliland iyo Addis Ababa.

DP World ayaa qaadanaysa dakhliga ka baxsan canshuuraha Dekadda Berbera 51%, Somaliland 30% halk Itoobiya helayso 19%.

Itoobiya oo ay shacabkeedu gaarayaan 100-milyan oo qof ayaanan lahayn wax bad ah, iyadoo dalkan geeska Africa ku yaalla uu sameynayo kobac dhaqaale oo xooggan, waxaana uu ku tiirsan yahay Dekadaha dalalka deriska la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM