Ra'iisul Wasaare Khayre oo booqday xarunta gurmadka degdegga ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee maanta uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM